Shaqaale weynaha madbacada qaranka Somaliland oo cabasho ka muujiyay mushahar la’aan soo food saartay mudo afar bilooda
Shaqaalahan Ayaa Madaxwaynaha Somaliland Ugu Baaqay Inuu Yimad Xarunta Madbacada Qaranka Si Uu Waxa Uga Ogaado Duruufaha Ay Ku Sugan Yihiin Shaqaalaha Madbacadu
Madbacada Qaranka Somaliland oo ka mid ah Hay’addaha Madaxa bannaan ee Dawladiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qarka u saaran inay Albaabadu u xidhmaan,waxaana soo food saara duruufo adag oo qalafsan oo gaadhay heer ay Shaqaalihii ka hawlgalayay Waayaan Mushaharkii ay ku shaqaynayeen.
Madbacada Qaranka Somaliland waxay ka mid tahay Hay’addaha Qaranka ugu Mudan ee u baahan in si gaar ah loo aweedeeyo si ay Qaranka uga kabto adeegga Daabacaada,balse waxa ay u muuqataa innaanay Xukuumaddani Cusubi tixgalinteeda siin.Waxa ay Xukuumaddani Cusubi gacan saar la leedahay Madbacado kale oo daabacadeed kuwaasi oo leexsaday adeeggii Madbacada Qaranku qaban jirtay ama ku shaqayn jirtay ee ay ku shaqaynaysay waxaanay hadda Madbacadii dhamayd ee Qaranku qarka u saaran tahay in Albaabadu u xidhmaan.
Goor Dhaw Naga Filo Muuqaal Ay Shaqaalaha Madbacada Qaranku U Diran Madaxweyne Biiixi Wargane News
https://youtu.be/KWL2Bw5f_wc