Cajiib:- Wuxuu igu yidhi Sxb waan ka xumahay reerka aad ka dhalatay baan Madaxtooyada Laga Jecleyn Sidaa Awgeed Baa laguugu diiday xaqii inantaada Yar, !!!!!

Date:

Cajiib:- Wuxuu igu yidhi Sxb waan ka xumahay reerka aad ka dhalatay baan Madaxtooyada Laga Jecleyn Sidaa Awgeed Baa laguugu diiday xaqii inantaada Yar, !!!!!

Anigoo Ah Wariye Barkhad Cabdillahi Maxamed oo ku sugan dalka Sweden kana hawl gala warbaahinta Somaliland isla markaana ah nin reer Sheekh Isxaaq ah, Sawirkan aad arkaysaan waa inan yar oo aan adeer u ahay oo uu dhalay walaalkey oo iga yar oo mudo toban sanadood ka badan madaxa ka xanuusanayey ilaahay caafimaad ha siiyee, Nin Boolis ah ayaa inantan yar oo sagaal jir ah sanadkii 2016 bishii sadexaad si badheedh ah xabad laabta kaga dhuftay iyadoo gurigooda iska hor taagan magaalada Hargeysa,

Anigu Barkhad ahaan waan u dhoofay arintaa sanadadii 2016 & 2017 laakiin wax natiijo ah kamaan gaadhin sidii loo bixin lahaa inantaa yar xaqeedii, Inanta dhaawac xun baa soo gaadhay oo xabadu xitaa sanbabkeedii badh bay jartay. laba qaliin oo waaweyn baa loogu sameeyey isbilaaka Hargeysa waana la xaqay Warqadihii lagu xaqayna waan u geeyey xukuumadii hore laakiin cid wax ka qabatay may jirin ilaa iminka, Waxaa jiray Video aan duubay sanadkii hore oo arintan aan kaga hadlayey xiligaa waxaa ila soo xidhiidhay madax xukuumada ka tirsan waxayna igu yidhaahdeen waa la dhameynaa ee is deji laakiin nasiib xumo ilaa iminka waxba lagama qaban,

Arinta inantan yar horena waan uga hadlay runtii laba jeer baan dalkii u dhoofay 2016 oo aan laba bilood joogay & 2017 oo aan sadex bilood & badh joogay waxaan la kulmay wasiiro badan oo xukuumadii hore ka tirsanaa & xildhibaano waxaan tagay madaxtooyada tiraba dhowr jeer laakiin waxba waa la iga hoos qaadi waayey, aad baan ula hadlay nimankaa anigoo ogaa dad kale oo maalin walba xaqooda laga siiyo madaxtooyada laakiin aniga arintaydii dhegaha ayaa laga fureystay,

Nin madax ah oo runtii jeclaa in arintan la dhameeyo dhowr jeerna igala hawl galay ayaa ugu danbeyntii ii sheegay oo igu yidhi Barkhadow Sxb waan ka xumahay inaan kugu wargeliyo laakiin inantaa yar ee sagaal jirka ah ee xaq darada lagu dilay waxaa laguugu diiday xaqeedii waa qabiilka aad kasoo jeedo oo aan madaxtooyada laga jecleyn haday noqoto xukuumadii hore ee Siilaanyo & tan iminka joogtaba,!!!!.
Anigu waxaan arkay dad ay xabad ku dhufteen Booliska Somaliland oo laba saacadood kadib xaqii dadkaa laga bixiyey madaxtooyada oo madaxweynuhu soo bixiyey,Markii aan qisada dadkaa la wadaagayna waxaa la,igu soo war celiyey saaxiib adigu kamaad dhalan reerka madaxweynihii hore & madaxweynaha iminkaba markaa lama ogola in reerkaa mag la siiyo & xaq toona xitaa hadii caruurtooda la laayo, Reerka aan ahay ee la sheegayaana waa Habar Yoonis ee la leeyahay xaq looma ogola xitaa hadii caruurtooda la laayo ama dadkooda waaweynba!!!!!!!!!!!!

Runtii maan jecleyn inaan arintan soo bandhigo laakiin waan la fajacay waxaanan jecleystay inaan dadka la wadaago, Waxaa kaloo aan isku dayey bal inaan madax kale la xidhiidho oo aan dhinac kale uga wareego xitaa mar dhaweyd waxaan facebooka kala hadlayey agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bili oo aanu aqoon isu leenahay laakiin nasiib daro iimabuu jawaabin isagoo online ah, Waxaa la igu wargeliyey in la ogyahay inaad wadanka u shaqeysid oo aad maalin walba masuuliyiin cadaan ah aad micrifon la hoos ordeysid oo aad leedahay maxaa dalka loo aqoonsan waayey laakiin sidaas oo ay tahay reer ahaan baan laguu ogoleyn ee adigu dalkaaga isaga shaqee,Waayo maanta dadka reer Somaliland oo dhan wey og yihiin in waxa aan dalka u qabto kuwa madaxtooyada ku xeeran aanay u qaban karin laakiin ay u fadhiyaan inay lacag uun ka cunaan ummada dhibaateysan,

Sidaa markay tahay anigu waxaan halkan baaq uga dirayaa madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi runtii adigu maad joogin markii arintan dhacday laakiin ninkii Booliska ahaa ee inanta yar dilay iminka xukuumadaada ayuu Boolis ka yahay oo uu u shaqeeyaa. kii sii daayeyna waa masuul Booliska ka tirsan waxaanan jeclahay maadaama iminka aad adigu masuulkii koowaad tahay in ay ila soo xidhiidhaan dadka madaxda noo ah hadii aan wax ka jirin arinta ah in inantaa yar xaqeeda lagu diidan yahay reernimo,!!!!!!

Anigu laba sanadood baan xishoonayey oo aan aamusnaa
waxaana laga yaabaa inaan soo duubo Video arintan ku saabsan oo meello badan gaadha, qofkii wax igu soo kordhinaya ama dowladaa xidhiidhkeeda hayana waan soo dhaweynayaa inta aanay arintu faraha ka bixin,

Wariye Barkhad Cabdillahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...