“Reer Garoowe Maanta Casrigan La Jooggo Waa Nimanka Tolaay Yaa Reer Hebelaay Leh,Tolaydaasi Tukaraq Ku Joogi Maysee Illaa Kismaayo Ayaad Isqabsan Doontaan Sidii Sagaashankii”.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hadalo kaftanleh ku tuuray Culimo Awdiinka Dalka,waxa uu u sheegay arimo lagu xanto oo suuqa ugu jira inta badan Culimadda wakhtigan Hogaanka u haysa Somaliland,arintaasi oo ah inay Maalqabeen yihiin islamarkaana aanay si fiican u bixin sadaqada,isagoo tusaale ugu soo qaatay Culimadii hore oo uu sheegay inay ahaan jireen kuwo aan dhaqaalaha danayn islamarkaana Ducadooda la aqbali jiray, waxa kale oo uu Fariin Culus u diray Maamulka Garowe oo uu ugu hanjabay inay joojiyaan Tolaayeey yaa reer Hebelayda.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka jeediyay Madal ilyartu isqabatay oo ay iskugu yimaadeen Culimo Awdiinka Somaliland gaar ahaan Culimada ku dhaqan Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Afur ugu sameeyay Doraad Qasriga Madaxtooyadda Somaliland,waxa hadalka Faysal ka mid ahaa sidan“Inaga Diinteena Iyo Maamulkeenu makala baxaan, Gaaladu markii diintii Christiyaanka ahayd fasaqantay, ee Shuyuukhdii Kiritaanku ay Buuri Cun noqdeen,ee ay bahashii nasakheen ayay shacbigoodii karteen in lakala saaro,Diinta iyo Dawladnimada (State-ka),waxay waxaasi oo dhami ku sugnaayeen Ayaaddii uu inoo akhriyay Sheekh Jaabiri,Taasi ayaa waanadii saxda ahayd ina siiyay”
Waxa kale oo uu yidhi“Maanta dalkeenu maalin uu ka Culimo badan yahay oo uu ka Mutacalimiin badan yahay intaan anigu jiray ma jirto,Wali Maanta Waxay Culimadu u badan tahay Bari,haddana waa maalintaynu ugu dhiig badan nahay oo aynu ugu Dhimasho badan nahay,ee aynu ugu Qabyaalad badan nahay,Malaha Diintu Barigii ay Galbeed ka iman jirtay way ka dhiig yarayd oo way ka fiicnayd,Qolodan barigu waxaan umalaynayaa Diintii iyo Qabyaaladii midba jeeb ayay galiyeen oo Markaasi ayay waliba Qabyaaladii ka xoog badnaatay,Waxaan leeyahay maanta waxaa inagu yaala Dhawr gantaalood,ta ugu darini waa ta Ceel afweyn,Waa arin xun,waa bar madaw oo inagu taala,Culimadeenuna kamay hadlin,Culimadii Barigii Hore dhaqaale may lahaan jirin ma ogtahay,qoladiinani maanta dhaqaalaha idinka ayaa u badan oo Sadaqadana aad uma bixisaan ayaa la igu yidhi,markaa waa inaan arintaasi Ceel Afweyn u gurmano”.
Waxa kale oo uu yidhi isagoo ka hadlaya arinta Tukoraq“Arinta Tukoraq,Haddii aanad Kalmada Xaq ku hadlin waxba ma hagaagayaan,Waxa ina Qasayaa waxa weeyi waa reer Garoowe,Reer Garowe dhibaatada Soomaali haddii aad Taariikhda akhridaan,illaa maalinti la isku darsamay illaa maanta,dhibaatada Soomaalidu waa iyaga,Markay hadda kasoo jeedsadeen Soomaaliya ee ay Shan Madaxweyne u sameeyeen oo ay Xabaashii ku rideen ayay inagu inoo soo jeesteen,waa nimaankaasi aad arkayso Maanta Casriga la jooggo leh Tolaay yaa reer Hebelaay,Tolaydaasi Tukaraq ku joogi mayside illaa Kismaayo ayaad isqabsan doontaan sidii sagaashankii,Culimadeenu waad ina waaninaysaan,Madaxweynaha waxaad leedihiin jooga,Culimadoodu way u soo cabaynayaan, taasina waa ta aynu ku kala duwan nahay,markaas arintaasi waan la qabnaa Madaxweynaha siyaasadiina anagu difaac ayaanu nahay,waar naga jooga,Laakiin haddii ay joogsan waayaan,Seeftii Cumar Binu Khadaab ayaynu qaadanaynaa Insha Allah”.
Ugu damayn waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Marka dambe ma joogsanaynee Garoowe ayaynu tagi,soo noq noqodkaasi ayaa inoogu wacan waxaasi oo waakuwaa imikaba soo bu’aya,. Anagu Soomaaliya dhibaato umaanu gaysan,27-Kaasi sano, Dharkeena ayaynu kab kabanaynay, Ilaahay iyaguna miyirka hasiiyo oo Qabyaalada haka saaro”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
https://youtu.be/PLdpvK6qXM4