Somaliland: Madaxweyne Biixi Itoobiye Ma Ka Aqbali Doona Codsiga Ah Inu Ciidamada Tuko-Raq Dib Uga Soo Celiyo

Date:

Somaliland: Madaxweyne Biixi Itoobiye Ma Ka Aqbali Doona Codsiga Ah Inu Ciidamada Tuko-Raq Dib Uga Soo Celiyo

Colaadda u dhexeysa dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa wali ka taaggan degmada Tukaraq ee gobolka Sool waxaana wali taaggan tabaabushaha dagaal mar kasta qarxi kara iyada oo aanay jirin cid muuqata oo dhinacyada dhexdhexaadinaysa.

Dorraad madaxweyne xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay ayaa furinta dagaalka soo galiyay ciidamo uu sheegay in uu Buuhoodle ka keenay oo ay beelaha halkaas dega qaarkood soo siiyeen kadib markii uu ciidan iyo calaf waydiistay. Somaliland dhankeeda waxa la sheegaya in wali ay ciidamadu gaadhayaan jiida hore taas oo qayb ka ah dagaal mar kasta dhici kara.

Culaysyada Saaran Gaas iyo Biixi.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa marar badan ka hadlay dagaalka Tukaraq oo uu sheegay in uu yahay mid lagu kallifayo wuxuuna carrabka ku badiyay in dagaalku yahay mid aan loo baahnayn nabadduna muhiim tahay.

Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in culays ka soo fuulay bulshada gobolka Sool kadib markii gobolku gilgishay xilli ay meel xasaasi ah marayso colaadda gobolka Sool. Magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa laga arkay dareenno lagu diidan yahay dagaalka taas oo u muuqata in ay madaxweynaha dareensiisay in bulshada reer Sool ku kala qaybsan tahay xiisadda gobolkooda ka taaggan.

Madaxweyne Biixi ayaa hore beesha caalamka uga diiday in magaalada Tukaraq laga soo celiyo ciidamada Somaliland laguna soo celiyo fadhiisinkooda Gambadha isaga oo ku dooday in xuduudka Somaliland ku dhawaad 70Km ka horeeyo Tukaraq, hase ahaatee waxa hadda jirta in beesha caalamku Itoobiya u xilsaartay dhexdhexaadinta Somaliland iyo Puntland waxaana loo badinaya in xalku noqdo in ciidamada labada dhinac ku kala noqdaan fadhiisimadooda oo kala ahaa Somaliland Gambadha iyo Puntland oo Tukaraq ahayd. Xalkan ayaa loo badinaya in madaxweyne Biixi aqbalo si looga baaqsado dagaal aan macno badan ku fadhiyin oo sii daba dheeraada. waxaana taas u dheer xiisadda ka taaggan Ceelafweyn.

Cabdiwali Gaas madaxweynaha Puntland oo cimriga u hadhay yahay 6 bilood waxa culays ka haysta mucaaradka oo ku eedaynaya in aanu muraad ka lahayn soo celinta dhulka Puntland sheeganayso ee Sool iyada oo arrintaasi bulshada lagu kiciyay, islamarkaana ay ku adag tahay in uu dagaalka joojiyo iyada oo ay suuro gal tahay in uu aqbalo ciidamadiisa oo Tukaraq si nabad ah ku yimaadda sidaasna labada dhinac xabadda ku joojiyaan.

Somaliland oo xuduudkeedu yahay duleedka Garoowe ayaan xilligan u socon halkaasi sida uu sheegay madaxweyne Biixi oo iftiimiyay in aanay halkaasi dhaafayn ciidamadiisu. Sidoo kale Puntland uma socoto dhulka ay sheeganayso taasna waxay macno darro ka dhigaysa dagaalka Tukaraq ka socda oo macno darro loo arko iyo mid aan jaha lahayn. Dagaalka ayaa ku bilawday qorshe la sheegay in Madaxweyne Farmaajo socdaal ku yimaaddo Tukaraq xilli uu Garoowe bookhanayay taas oo Somaliland ka hor tagaysay in arrintaasi dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...