Somaliland: Madaxweynaha Somaliland Oo Imika Tacsi U Diray Shacabka Somaliland Iyo Cida U Ka Tacsiyadeeyey

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmednuur Aw Cabdi Shaacir oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 06/06/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii Beelaha ku dhaqan Somaliland, sidoo kalena waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii isaga danbeeyey Xukunka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...