Xidhiidhka Somaliland Iyo Somalia Oo Hog Madow Ku Sii Dhacaye Iyo Dalalka Carabta Oo Dabka Ku Sii Hurinaysa

Date:

Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka qadhaadh ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay lakala saftaan dhinancyada isku haya muranka khaliijka ka taagan sabata oo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Kolkii sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xidhiidhka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xidhiidh la leh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Somalia iyo Imaaraadka asaga oo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Xukumadda Farmaajo iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan mawqifka khilaafka khaliijka. Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa si muuqata u taageersan xulufada Imaaraadka iyo Sucuudiga halka xukumadda Farmaajo u janjeedho dhanka Qadar oo uu socdaalo door ah ku tagay dhawaana soo diratay safiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...