“Cidda Ay Khusaysaa Waa Garanayaan,Waa Beesha Sacad Yoonis, Yay Iska Dhegga Tirin Ee Hakasoo Jawaabeen,Waxaanu Ka Sugaynaa Jawaab Cad Ama Diidmo Ah Ama Yeelmo Ah”
Qaar ka mid ah Oday Dhaqameedka,Salaadiinta iyo Waxgaradka Beelaha Biciido oo Shalay shir iskugu yimid Deegaanka laastoomaare oo ka tirsan Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa u soo jeediyay Nabad buuxda inay la qaataan Beesha kale ee Dhigooda ee ay Dhawrka jeer Dirirtu dhex martay ee Sacad Yoonis,waxa kale oo ay Beelaha Somaliland iyo Xukuumaddaba ugu baaqeen inay xaaladii ugu cuslayd iyo abaabulkii Colaadeed ee ugu Xumaa maalmahan laga abaabulayo Deegaanka Ceel Afweyn,waxaanay nidar ku galeen inay ka beel ahaan Qaranka u hiilinayaan islamarkaana ay wax walba oo Nabadgalyada guud wax yeelaya ay ka hortagiisa maal iyo muruqba u hurayaan.
Suldaan Yuusuf Xaaji Ducaale oo si faah faahsan warbaahinta uga war bixiyay ujeedada shirkaasi beesha Biciidu iskugu timid iyo Baaqa ay dirayaan ayaa waxa uu yidhi “Waa Markii Saddexaad ee aan anigu ku baaqo Nabadgalyo ee aan marnaba la iigasoo jawaabin,Mar Anaga Oo Ah Beelaha ka mid ah Beelaha Biciido ayaanu nabadgalyo ku baaqanay,Marna waxaanu Nabadgalyo ku baaqnay Beesha Axmed Faarax odayaashooda oo gooni ah,Maantana Go’aan ayaanu inta aanu shirinay reerkayagii uu soo saaray Nabadgalyo, Waxa arintaasi keenaya Sida Somaliland maanta wada ogtahay Goobahan Ceel Afweyn iyo Hareeraheeda waxa ka oogan Colaad aad iyo aad u xun,oo laga ogyahay Daafaha Somaliland oo dhan,saddexdaas jeerba waxaanu ku baaqnay Nabadgalyo maantana reerka oo dhan ayaa Nabadgalyo soo saaray”.
Waxa kale oo uu Yidhi Suldaan Siciid“Cidda ay Khusaysaa waa garanayaan,Waa Beesha Sacad Yoonis, yay iska Dhegga tirin ee hakasoo jawaabeen,Waxaanu ka sugaynaa Jawaab cad oo ama diidmo ah ama Yeelmo ah ayaanu Beesha Sacad Yoonis ka sugaynaa,Beelaha Biciido Yoonis Meel kasta oo ay joogaan oo aan ka mid ahay Odayaashooda,Salaadiintooda iyo Madax Dhaqameedkooda waxaanu idiinku baaqaynaa inaan meel uga soo wada jeedsano Illaalinta Nabadgalyada, Una Midawno Nabadgalyo aynu dalka ku dejinayno,Beeshani waxay caan ku tahay inay Difaaca iyo Xorayntiisaba ka qayb qaadato Maantana Indhaha ka laaban mayso Duulimaadka lagu hayo Somaliland,Waanu ka qayb galaynaa”.
Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Siyaasi Maxamuud Raagge oo isaguna ka mid ahaa Waxgaradka iyo Odayaasha gurmadka ugu jira Dajinta Xaalada Ceel Afweyn oo Shalay baaqaasi nabadgalyo ka qayb galay ayaa waxa uu yidhi“Waxaanu leenahay Maanta cid walba oo Nabadda ku margatay ama Nabadda diidan,Nabad wax dhaama maleh,Nabadda halagu soo dhawaado,Qaranka Hawl badan ayaa u taala,Qaranka aynu Culayska ka qaadno haddii aynu nahay Reer Ceel Afweyn”.