Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday si ku aadan in xidigaha kooxda Real Madrid ay xiiseenayaan in maamulka ay lasoo saxiixdaan macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool Jurgen Klopp, si uu u noqdo badalka macalinkii hore kooxda Real Madrid Zinedine Zidane.
Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu si layaab leh isaga casilay shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid, kadib shir jaraa’id ay si wada jir ah garoonka Santiago bernabéu isaga iyo madaxweynaha kooxda Florentino Perez.
Zinedine Zidane ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uu isaga casilayay shaqada waxyaabihii uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa: “Anigu waan ogahay in ay tahay waqti layaableh ku tahay qof kasta oo ku lug leh, laakiin waxaan filayaa in uu yahay go’aankii ku haboonaa. Kadib saddex sano, isbadal ayaa loo baahan yahay, wax ka duwan, fariin ka duwan”.
Si kastaba macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa sidoo kale haatan ah dooqa koowaad ee Jamaahiirta kooxda Real Madrid, si uu noqdo badalka saxda ah ee tababare Zinedine Zidane.
Sheekada kuma koobna oo kaliya jamaahiirta, balse sidoo kale ciyaartoyda kooxda waxay doonayaan la shaqeynta Jurgen Klopp, wuxuuna hadalkan imaanayaa kadib markii Sergio Ramos uu ku war galiyay madaxweynaha kooxda Florentino Perez in dhamaantood ay sidan doonayaan.