Deg Deg: Shirkii Golaha Wasiirada Puntland Oo Iclaamiyey Dagaal ka Dhan Ah Somaliland

Date:

Shirkii Golaha Maamul goboleedka  Puntland  ee Soomaaliya ayaa shalay  looga hadlay Colaada deegaanka Tukaraq ee Puntland iyo Somaliland & Hannaanka cadaaladda ee Dowladda Fedraalka ah.

HOOS KA AKHRI WARSAXAAFADEED :

TIX/001005/2018
May 31, 2018

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan shacabweynaha Puntland in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa.

Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor oo Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya awoodaha federaalka iyo mida Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumadda qabyo qoraal ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.

—DHAMMAAD–

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...