ku leeyahay “Madiina maxaad wax war aha ka haysaa?”, markaasaa ugu dambeyntii waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed (scw) iyo asxaabtiisii ka soo baxeen Madiina iyagoo raadinaya safarkiisa.
Abuu Sufyaan markuu arrintaas maqlay wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro sidaa daraaddeed degdeg ayuu Makka ugu diray qaylo dhaamis, wuxuuna diray nin la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari. Abuu Sufyaanna safarkii ayuu ka hormaray oo wuxu tegey ceelkii Badar wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran jirey Majdi ibnu Camar, wuxuuna weydiiyey inuu war ka hayo ciidankii Madiina. Majdi wuxuu yiri “cid aan garan waayo ma aanan arag aan ka ahayn laba nin oo neef geel ah watey oo neefkoodii halkaas arumiyey, ceelkana biyo ka dhaansaday dabadeedna iska tegey.
Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii neefka geela ah la arumiyey markaasuu saaladii neefka qaatey oo burburiyey, wuxuuna ka helay laf timireed markaasuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waa daaqii Madiina”, dabadeedna intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka leexiyey waddadii oo dhinaca badda mariyey.
Ninkii uu u direy Makka oo Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo qeylo dhaamis ah ayuu Makka galay, wuxuuna sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno qofka dareenka wada oo qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu fuushanaana sanka ayuu gooyey, reeryadii ratiga saarnaydna dhinaca kale ayuu u wareejiyey, qeylana afkuu ku shubtay isagoo leh “qureysheey dharbaaxo dharbaaxo, xoolihiinnii Abuu Sufyaan waday Maxammed baa asxaabtiisii ku soo bixiyey una malayn maayo inaad gaaraysaan ee gargaar gargaar”.
Qureysh iyagoo awalba u ciil qabay Nabiga (scw) iyo asxaabtiisa ayaa markii ay maqleen qeyladaas si degdeg ah u soo baxeen iyagoo faanaya oo leh “Maxammed iyo asxaabtiisu ma waxay u maleeyeen in safarkani yahay safarkii ibnu Xadrami oo kale, ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhaarranaye way ogaan doonaan si aan sidaas ahayn”. Odeyaashii qureysh madaxda u ahaa Abuu Lahab oo keliya ayaa ka haray isaguna wuxuu u haray xanuun, beddelkiisiina wuxuu diray nin uu deyn ku lahaa oo uu u cafiyey, raggii reer makkana ninkaan bixin beddelkiisii ayuu dirayey.
Waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 1300 oo nin oo wata 100 faras iyo 600 oo canbuur bireed iyo awr aad u tiro badan. Ammaanduulaha guud ee ciidanka qureysh wuxuu ahaa Abii Jahal, xagga maamulka iyo raashinka waxaa u qaabbilsanaa 9 nin, maalinkii waxay qalan jireen 9 ama 10 geeel ah. Ciidankaasi waxay soo baxeen iyagoo uu ka muuqdo kibir iyo is qaad qaad iyo is tus tus.
Allaah wuxuu ku caddeeyey aayadan:
” Ha noqonnina kuwii ugu soo baxay guryahooda kibir iyo dadka in la is tuso, jidka Allena la xiro, Allahna wixii ay camal sameynaayeen waa mid koobaya.” [Surat: Al-Anfaal, 47]
Qureysh waxaa intaa u sii dheerayd caro iyo xiqdi ay u qabeen Nabiga (scw) iyo asxaabtiisa iyaga oo rabay iney dabar gooyaan. Waxay Qureyshi u soo dhaqaaqeen dhinaca Badar, markii ay dhaafeen togga la yiraahdo Casafaan oo ay marayaan Juxfa ayaa waxaa u timid waraaq uu soo direy Abuu Sufyaan oo uu ku leeyahay “waxaad u soo baxdeen inaad badbaadisaan safarkiina, Allaahna waa idiin badbaadiyey raggiinnii iyo maalkiinnii ee soo laabta”. Hase yeeshee Abuu Jahal oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka wuu diidey warkaas waraaqda ku qornaa wuxuuna yiri “Ilaah baan ku dhaartaye noqon mayn ilaa aan Badar tagno oo aan saddex beri joogno, geelana ku qalanno, cuntadanaku cunno, khamradana ku cabno, haweenkuna noogu heesaan, carabna ay maqasho socodkayaga iyo awooddayada si aan dib dambe naloogu haweysan”.
* * *
Abii Jahal markuu hadalladaas yiri ayaa waxaa hadlay Akhnas ibnu Sureyq oo madax u ahaa reer banuu Suhra, wuxuuna yiri “haddii uu safarkii nabad galay aan laabanno”, markii laga diideyna ciidankii qabiilkiisa oo 300 gaarayey ayuu la laabtay, markii qureysh jabtayna qabiilkiisu aad ayey uga dambayn jireen, wayna jeclaayeen go’aankiisa. Sidoo kale waxa damcay iney laabtaan laftii uu Rasuulku (scw) ka dhashay oo awalba aan dagaal dooneyn ee lagu soo khasbay hase yeeshee Abii Jahal ayaa u