Kadib baaritaankii lagu sameeyay daafaca kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa lagu ogaaday in dhaawiciisu uu yahay mid fudud.
Tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa u sheegay Dani Carvajal inuu qayb ka yahay ciyaartoyda kama danbaysta ah ee uu u soo xushay koobka adduunka.
Carvajal ayaa dhaawac looga saaray Final-kii Champions League, waxaana la dareemayay in laacibku uu seegayo koobka adduunka.
Laakiin baaritaanadii saaka lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in laacibku uu u baahan yahay kaliya 2-isbuuc si uu uga soo caafimaado dhaawiciisa.
Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa goor dhaw la hadlay Carvajal waxayna u sheegeen inuu isla bariba ku soo biiro xulka si halkaas loogu daaweeyo.