Somaliland: Taliyaha Booliska oo Farriimo u kala Diray Bulshada iyo Ciidamada

Date:

Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan,ayaa bulshada Somaliland iyo ciidanka booliska u kala diray farriimo la xidhiidha sugidda amniga iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen booliska iyo dadweynaha reer Somaliland, ugana wada shaqayn lahaayeen nabad-gelyada guud iyo ka hor tagga wax kasta oo waxyeelayn kara dabbaal degga sannad guurada 27-aad ee la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee 18 May oo sannadkan loo soo hor mariyay 15 May, si aanay ugu beegmin Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Taliyaha booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa bulshada Somaliland ku dhiiri galiyay in ay indhohoodu furnaadaan oo qof kastaaba uu u war hayo gurigiisa ka ku xiga iyo cidda deggna ee ay dariska yihiin. Si loo sugo amniga guud ee dalka.

Waxaanu intaa ku daray in nabad gelyada oo lawada illaashadaa ay tahay waajib qaran oo qof kasta oo muwaadin ah la gudboon si loogu wada noolaado nabad iyo qaran jira horumarkiisa.

Taliye Fadal, waxa kale oo uu ciidanka booliska faray in ay sii laban laabaan dedaalka ay hadh iyo habeen heeganka u yihiin ee ay ku illaaliyaan nabad gelyada dalka iyada oo uu soo dhaw yahay xuska munaasibadda qaran ee 27-tan. Guurada ka soo wareegay maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida Jmahuuriyadda Somaliland.

Taliyaha booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “waxaan ka codsanayaa dhammaanba bulshada Somaliland sidii muwaadinimada ahayd ee horeba ay ciidankooda ula shaqayn jireen shacabku in ay sii laban laabaan oo ciidanka booliska ula shaqeeyaan indhohooduna ay furnaadaan oo qof walbiba uu ogyahay gurigiisa ka ku xiga ee ay jaarka yihiin cidda deggan oo ay nabad gelyada qarankeenana dhankooda ay ka illaaliyaan”.

Taliye Fadal oo ciidanka booliska la hadlayay, ayaa yidhi. “ciidanka booliska oo hadh iyo habeenba heegan ugu jira sugidda amniga guud ee dalka waajibaadkoodana guta waxaan farayaa in ay sii laban laabaan hawlaha qaran ee ay dalka u hayaan oo ay sii kordhiyaan dedaalkooda, iyaga oo kaashanaya shacabkooda oo la shaqaynaya dadkooda nabada jecel.”

Ugu dambayn waxaa uu taliyuhu guud ahaan bulshada Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 27 guurada maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida qaran ee 18 May.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...