Somaliland: Xukuumadda oo Biyo Xidheen Weyn ka Hirgalineysa Degmada Salaxley

Date:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Dhaam-biyood ka hirgelinaysa deegaanka Kalagooye ee degmada Sallaxley ee gobolka Maroodi-jeex. Dhaamkaasi oo ay  ka faa’idaysan doonaan dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaa ku dhaqan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaciyay hirgelinta Mashruuca Dhaamkan oo ay fulinayso xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kaas oo gacantalagu hayo qorshihiii lagu joojinayay biyaha dhex ququla laba buurood oo deegaankaasi ku yaala, isla markaana loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan bulshada deegaankaasi ku dhaqan.

Goobta laga hirgelinayo mashruuca Dhaamka ayaa waxa kormeer hawleed ku tahay wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta deegaanka Sallaxley iyo xubno kale.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in taabo galinta mashruucani ay bixineyso xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “Ku talo-galkeedi waa la hayaa in dadka deegaanka, xoolaha iyo beeruhuba ka faa’ideystaan iyo in magaalada Hargeysa ay ka faa’iideysato, labadaa ujeedo ayaa dhaamkan laga leeyahay, halkan dadka joogaa iyo beeruhuba way ka faa’ideysanayaan, waana wax aad uga ballaadhan haddii biyahan la qabto, wixii kalana waxaa loo dhaadhicinayaa magaalada Hargeysa.”

“Amarkii hirgelinta mashruucan Dhaamku wuu soo baxay, waana la bilaabayaa, wixii kharashaad ah iyo dhaqaalaha  ku bixi lahaana waa la hayaa oo gacanta ayay lagu hayaa, qorshaha xukuumadda Somaliland-na waa in deegaankan laga helo biyo macno leh oo ay bulshadu ka faa’iidaysato” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore .

Wasiirka wasaaradda horumarinta  maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa bulshada deegaanka gudo iyo dibadba ugu baaqay inay gacan ka siiyaan hirgalinta mashruuca dhaamkani waxaanu yidhi “Goobtani waxaa biyo ka heli doona bulsho mudo dheer haraadaneyd, waana wax dhirta deegaanka iyo bulshaduba u baahan tahay, mashruucana dhab ayuu noqon doonaa oo wuu dhaboobi doonaa, waanu hirgali doonaa, taladeedii iyo arrinkeediina waanu wadnaa. dadka deegaankana waxaanu ka codsanayna gudo iyo dibadba hirgalinta mashruucan inay gacan naga siiyaan. waxaynu ognahay in dadku biyo u baahan  yahay, dhirtuna biyo u baahan tahay, waana inaynu mudnaanta koobaad siino biyaha”

Sidoo kale wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka  Cawaale Ibraahin Shirwac oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aniga sida ii muuqata markaan sidaa Juquraafi ahaan aan u eego, in xataa qofka aan wax badan ka aqoonin muhindisnimada uu arki karo in mashruuca noocan oo kali ahi uu suuragal yahay, aniga oo og baahida biyaha ee wadanka. farxad weyn ayay ii tahay markaan halkan imaado, inaan arko inay suura-gal tahay in mashruuc intaasi le’eg laga fulin karo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...