Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga jamhuuriyadda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hawl gelayaan sidii gacanta dawladda loogu soo celin lahaa dhulkii seereyaasha ahaan jiray oo dad iska qaateen.
Waxaanay sheegtay in ay dhawaan dalkoo dhan ka bilaabayaan sidii mar kale gacanta dawladda loogu soo celin lahaa meelihii seereyaasha ahaan jiray, isla markaana ay ka fiirsanayaan sidii hawshaasi loo geli lahaa.
Maadaama oo dhibaatooyin ay ka dhalan karaan haddii aan si kedis ah xukuumadu isugu daydo in dhulkaasi laga soo celiyo dadka qaatay, hase yeeshee ay ku dedaalayaan in la sameeyo dhul daaqsimeedkii kaydka ahaan jiray ee seereyaasha.
Wasiir Shukri Xaaji baandare, oo shalay kulan ay la yeesheen guddi hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda ayay guddigu wax ka waydiiyeen amuurro la xidhiidha ilaalinta iyo daryeelka degaanka iyo arrimo kale.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxay warbaahintu wasiirka wax ka waydiisay qodobadii ay guddiga ilaalinta iyo dabagalka hantidda qaranka iska xog waraysteen.
Wasiirka oo ugu horayn ka hadlaysay waxyaabihii ay ka wadahadleen, waxay tidhi “Aad iyo aad ayaanu isku waraysanay, su’aalo badanoo ay ka mid ahaayeen biyaha qul-qulaaya ee Badda gelaya, waxbay iga waydiiyeen guddigu iyo waxa laga qaban karro, Waxyaabo badan ayay wax iga waydiiyeen.
Si wanaagsan ayaanu isula qaadanay sidii wax looga qaban lahaa, oo iyaga qudhoodu in ay u soo tafo-xaytaan oo ay wax nagala qabtaan. Dawladu-na imika way u soo jeedaaye, halkaa dawladu u soo jeedo in shicibkuna u soo jeesto ayaanu isla qaadanay”.
Wasiir Shukri oo faahfaahin ka bixinaysay dhibaatooyinka kala gedisan ee haysta degaanka iyo sida wax looga qaban karro, waxay tidhi “Dhulka tegay ee la qaatay, guddiga baarlamaanku waxay yidhaahdeen dhulkii waa in uu soo noqdaa. Kolay khayrku wuu iska badan yahaye, waynu eegaynaa siday wax ku soo noqonayaan. Degaanku in hawl la geliyo ayuu u baahan yahay, oo wacyigelintu kow ka tahay, oo dadku fahmaan dhibaatadda haysata degaankeena, ee xaalufku kow ka yahay, Abaaraha soo noq-noqday laba ka yihiin, dhirta aynu shidanaynaa saddex ka yihiin, dhulka la iska oodanayaa ay afar ka tahay.
Degaamaynta soconaysa habeen iyo maalinba ee guuraysa, ee tuulooyinka cusub ah oo mar kasta reeruhu isku haystaan, dadkuna isku dilayaan, dhiigu-na ku daadanayo, ee ah tuulooyinka cusub ee la samaynayo xakamayntoodda. Bacda oo hore loo mamnuucay ee hadana maanta magaalooyinka ka buuxda. Waxaanu ka wadahadalnay ugaadha, waxa kaloo aanu ka wadahadalnay qashinka dooxyadda buuxa ee ay biyuhu Badaha ku darayaan”.
Geesta kale wasiirku waxay sheegtay in dhibaatadda ugu weyn ee haysata wasaaradda degaanka ay tahay gaadiid yaraan, iyadoo aanay xataa xafiisyadda goboladu haysan wax baabuur ah iyo sidii xafiisyo looga furi lahaa goboladda aanay xafiisyadda ku lahayn.
“Waxa ugu daran ee imika na haystaa, waxyaabo fara badan markaad ka timaado waa baabuurta. Iyadoo xagga goboladda aanu nahay dad socod badan waayo? Inta badan waxaa jira dhul la isku haysto iyo hawlaha soconaya ee degaanka haysata iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Markaa xagga gaadiidka aad iyo aad ayaanu uga liidanaa, iyadoo weliba goboladda qaarkood Maroodijeex oo kale wax baabuur ah aanay haysan. Markaad u eegto Daadmadheedh oo dhul aad u baaladhan ku fadhiya, Saraar oo kale oo dhul weyn ku fadhiya, gobolka Hawd oo kale.Marka la eego afartaas gobol-ba mid baabuur haystaa ma jiro”ayay tidhi wasiirka degaanku.
Shukri Baandare, oo hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi “Ilaa 11 xafiis ayaa ku yaalla goboladda waaweyn, inkastoo goboladda Hawd, Daadmadheedh, Saraar iyo Ceel Afweyn, midnaba aanu lahayn wax xafiisa. Kuwaas qudhoodu baabuur ma laha, Saw qudheedu baabuur malaha waanay u baahan tahay.
Baahidda taagan, ee goboladda dalka ka taagan iyo haynteenuna way kala fog yihiin. Balse waa dul qaadanayaa, waana loo dhabar-adaygayaa, marba siday wax noo soo galaana waanu uga bedelaynaa goboladda.
Waxaan ku faraxsanahay xafiisyadda goboladu in ay shaqeeyaan, oo wasaaradu goboladoo dhan ka wada shaqayso. Aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanahay in ay guddigu soo jeediyeen in loo sameeyo sanduuq lagu dhaqaaleeyo degaanka, hal milyan oo geed-na la qosheeyo in la beerro”.
Dhinaca kale mar wasiirka la waydiiyay su’aal ku saabsanayd dad dhaqaan lagu eedeeyay in ay ka ganacsanayeen Diinka oo maxkamadda gobolka Maroodijeex xukunno ku riday iyo qorshaha wasaaradda ee ilaalinta duur joogta.
Waxay ku jawaabtay “Diinku wuxuu noqday wax cajiib ah oo wadankaba kaga gariiriyay, oo dhalinyaradii iyo dadkii reer miyiga ahaana ka ganacsigsa u wada jeesteen, oo ganacsi fool xun galay. Dadkii falkaasi lagu soo eedeeyayna waa la xukumay oo xabsiga ayay ku jiraan, cidii danbe ee lagu qabatana dariiqaas ayuunbay mari doontaa” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.
By: Khadar Cabdi Muuse