Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Imaaraadku Waqtigan Somaliland ula Macaamilo Dal Iyo Dawlad Madax-Bannaan

Date:

“Soomaaliya Oo Dowlad Sharci Leh Oo Midaysani aanay Ka Talin Ayaa Haddana Dalal Waaweyn Oo Turkigu Kamid Yahay Ay Ka Dhisteen Saldhigyo Milatari.”

Gudddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa difaacay heshiiska dekedda lagu maalgelinayo ee ay Somaliland la gaadhay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World. Eng. Feysal Cali Waraabe oo kamid ahaa weftigii madaxweynaha Somaliland u raacay dalka Imaaraadka ayaa sheegay in waqtigan ay dawladda Imaaraadka Carabtu Somaliland ula macaamisho, sidii dal madax-bannaan; “marka xaqiiqda laga hadlayo, laba dal oo isku biiray baanu ahayn, oo lakala odhan jiray (Somaliland iyo Soomaaliya), labadiiba waannu tuurnay oo waxaannu la baxnay Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasina meesha way ka baxday oo 1991-kii Somaliland baa abuurantay, immikana wax Soomaaliya la yidhaa ma jirto.” Sidaasi ayuu yidhi Eng. Feysal Cali Waraabe oo khadka telefoonka ugu waramayay laanta af-soomaaliga ee idaacada BBC-da. Eng. Feysal Cali Waraabe waxa uu intaasi ku daray “Somaliland oo marka hore maaha dalkii u horeeyay ee Saldhig yeeshay, waad aragtay dalka Jabuuti, intaas oo ummadood oo kala jaad ah bay isku keentay. Taas aad sheegayso (Soomaaliya) iyana waad aragtay, Maraykan baa saldhig ku leh oo Bali-doogle ka samaystay, Imaaraadka ku leh, Turkigaa degan oo saldhig Milateri kii ugu weynaa ku leh, markaa yaa u fasaxay inuu Turkigu ka samaysto saldhig Muqdisho iyo dhulka Soomaaliyeed, ileyn dowlad sharci leh oo midaysani kama taliso oo majirto.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...