Somaliland: Dalka Imaaraadka Oo Kulan Wadatashi Kala Yeelanaya Arimaha Uu Kala Kulmay Xukuumadda Cusub Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Siilanyo,Iyo Baashe Cawil Oo Hawsha Dabada Ka Wada

Date:

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay wehelinayso Xaaskiisa Aamina Sheekh Maxamuud Jirde ayaa safar ku jooga Dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai iyadoo ay sidoo kale dalkaasi ku sugan yihiin Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi Baashe Cawil iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire.
Xogaha Wargeyska Foore ka helay Xalay Safarka uu Dubai ku joogo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa daaha ka fayday inuu qayb ka yahay dalab uga yimid Markii hore Masuuliyiinta Dalka Imaaraatka Carabta oo aad u danaynaya inay kulan gaar ah la yeeshaan Siilaanyo maadaama oo ay Xukuumaddii uu ka madaxda ahaa la saxeexatay heshiisyadan sida wayn loo hadal hayo ee muranku hadheeyay. Waxa ay wararka aanu helnay sheegayaan in Magaalada Dubai laga qaban qaabinayo kulankaasi islamarkaana ay macsuumad isku arkayaan,iyadoo uu Axmed Siilaanyo ku sugan yahay Huteelkii uu ku degay oo ay la joogaan qaarka ka mid ah Qoyskiisa,Wasiiro Xukuumaddiisii ka tirsanaa iyo masuuliyiinta Xukuumaddan ka tirsan ee dalkaasi Safarka ku jooga.
Safarkan uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ku tagay Dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku soo beegmaya wakhti uu isfaham-waa iyo muran ka dhex aloosan yahay Xukuumadda Cusub ee uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi kaasi oo ku saabsan heeshiiska Ay shirkada Dp-World kula wareegtay Dekeda Berbera iyo arinta Saldhiga Milatari ee dalka Imaaraatka Xukuumaddii hore kula heshiistay inay ka dhigtaan Garoonkii diyaaradaha ee Magaalada Berbera oo isaga dhawaan ay hakad galisay Xukuumadda Cusub, kalana dareerisay Shaqaalihii iyo hawl dhisme ah oo halkaasi ka socotay bilihii u dambeeyay. Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali shire oo Dubai ku sugan ayaan lagarayn inuu kulankaasi gaarka ah ka qayb gali doono iyo in kale.
Wararkan ayaa intaasi ku daray inay masuuliyiinta Imaaraatku kala hadli doonaan Axmed Siilaanyo mashaariicdii kale ee ay ka midka ahaayeen Berbera Corridor iyo dhismaha Deked Cusub oo aan tan duugga ah ahayn kuwaasi oo ay Xukuumadda Cusubi culays ku saartay inuu imaaraatku deg deg u hirgaliyo. Waxay sidoo kale ka dalban doonaan inuu si dhaw ula socdo hanaanka wada shaqayneed iyo xogaha mar walba ka soo kordha Heshiisyada Saldhiga Iyo Dp-World,qaybtiisana ka qaato sidii ay arimahaasi u hirgali lahaayeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...