Somaliland: Oo Hakisay Dhismaha Saldhigii Military Ee Imaraadka Carabtu Ka Wadey Magaalada Berbera

Date:

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhey Wargeyska Foore ayaa daaha ka rogay in gabi ahaanba xukuumada Somaliland amar hakin ah galisay dhismaha saldhig Military oo xukuumadii hore imaraadka ka siisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera , kaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey laga wadey halkaasi .

Arooryadii hore ee shalay ayaa sida la sheegay shaqada laga joojiyey shaqaalihii ka hawl galaayey saldhigaas Military oo ay imaraadku ka dhisaneysay magaalada Berbera .
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in xukuumada Somaliland ay hakad galisay shaqaadii ka socotey saladhigaas Military
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in shalay subax abaaro 7 subaxnimo ay tageen garoonka diyaaraha Berbera iyo halka dhismaha saldhigu ka socdoMaayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin , Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Berbera taliyaha qeybta Booliska ee Saaxil , ka dibna ay amar ku soo rogeen in shaqada la joojiyo ilaa amar danbe .
Lama garanaayo in amarkaas uu ka yimid xaga sare iyo in kale balse sida laga war qabo waxaa uu heshiiska wada galeen xukuumadii hore ee uu hogaaminaayey madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo dawlada Imaraadku waxuu ahaa mid la kala daneysanaayo oo Somaliland waxii ay u baahneed loo qabanaayo , waxaana ay Somaliland mihiimadeeda koowaad ay aheyd in Somaliland loo dhiso wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale , taas oo sida la sheegay ay dafirsan yahiin maamulka Dp World taas oo ay ku doodayaan in dhismaha jidkaas aaney degta u wada ridan kareen , waxaana hada soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan heshiiskaas iyo qaabka loo galay
Si Kastaba ha ahaatee waxaa si weyn looga dhursugayaa halka ay isla saldhigtaan xukumada Muuse Biixi iyo dawlada Imaaradka carabtu ee ay isku fahmaan marka loo eego qaabka ay xukuumadii hore u gashay heshiiska saldhiga Military iyo dekada oo u muuqda mid lagu deg degay oo waxooga xaqul qalin lacag ah looga dan lahaa .

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...