Somalia: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wada hadallada Itoobiya iyo ONLF uga soconaya Kenya

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalamahan socda ee u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay wadahadal kasta oo keenaya Nabad, Xasilooni iyo Wanaag in ay soo dhaweynayaan oo ay taageerayaan.

“Annaga waxaan u arkeynaa Wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Nairobi dalka Kenya ee la xiriira wadahadalkan ayaa waxa ay ku waramayaan in dhinacyadan qodobada qaar ay isku fahmi la’yihiin shirkana uu qarka u saaran yahay inuu hakad galo.

ONLF oo ah jabhad hubaysan ayaa waxa ay u dagaalamaan xuriyada deganada Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, waxaana ka xiran maxaabiis badan oo jabhadaasi ka tirsan.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan ONLF, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...