Caqli iyo garasho midna maaha mashruucii biyaha xunba-weyne wuu fashilmay, cidda fashilkaasi masuuliyadiisa qaadaysaana lama hayo. W/Q Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Date:

Caqli iyo garasho midna maaha mashruucii biyaha xunba-weyne wuu fashilmay, cidda fashilkaasi masuuliyadiisa qaadaysaana lama hayo.

Dad iyo dawlad wax jira ah baynaan ahayn, bal kan wasiirka sheeganaya ee intuu meel soo istaagay ku leh mashruucba fashilmay ee haddana ka gabanaya inuu ciddii masuulka ka ahayd farta ku fiiqo eeg.

Waxay yidhaahdeen, biyo ku filan lagama helin Xunbo weyne, bal caqli xumadan aan geedka ku soo gaban eega, ee weliba umadani ilkaha ku daawanayso, marka mashruuc noocan ah la bilaabayo, ilmaha yar ee 7 sanno jirka ah ayaa garanaya waxaa ka horeeya! Bal waxay inoogu sheekaynayaan ee war hadda la inooga dhigayo eeg.

Lacag 250 malyuun oo dollar ayaa dalkan laga dhacay, shakhsigii hooyada iyo Aabaha u ahaa boobkii dalka ka dhacay ayaa weli mididii daabkeedii u haya.

Baashe Moorgan kii dalka xoolahii uu ka dhacay oo ahayd xoolahii dalkan dadkiisa saboolka ahi lahaa, ayaa tuulan dalka Emirateka, markaasa weliba nasiib darrada jirta uu weli xilkii iyo boobkii sii wada.

Xunbo weyne lacag carbeed ayey ahayde, waar lacagtii ummadan laga boobay maxaa looga hadli laayaha

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...