Magaalada Ottawa ee Dalka Kanada ayaa lagu dilay Wiil Soomaali ah oo Magaciisu yahay Cigaal Daa’uud.
Booliiska Dalka Kanada ayaa bilaabay baadhitaano ku aadan Wiilka Soomaaliga oo Axaddii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada.
Booliska waxaa ay sheegeen in ay waddaan baadhitaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaalida ah ee ku noolaa dalkaasi.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga dhex helay Gaadhi nooca Raaxada ah.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Meydka Wiilka oo in ka badan 24 saacadood dhex yaallay Gaadhiga Baarkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda dishay.
Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka kanada Sannaddadii lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay hore u sheegeen in dhalinyarada Soomaalida ay dhexdooda ay is dilaan, isla-markaana aanay jirin Cid ajaanib ah oo Dilkooda ka dambaysa.