Kol haddii ay inoo cadaatay in aan magaaladdii Hargaysa biyo soo socon , bilicdii iyo qaab-dhismeedkii qurxin lahaana ka xumaaday oo aan loo degin si farshaxana oo habaysan , Hargaysi caasimad kuma haboonee caasimadda haloo raro Cadaadley sababahan awgood .
– Cadaadley magac ahaan waa magac kooban , qurxoon oo si fudud ay ugu dhawaaqi karaan dadka aan ku hadlin afka soomaaliggu .
– Bogcadda ay ku taalaa waa mid u dhaw Magaaladda Hargaysa ee ah magaaladda ugu wayn wadanka , Dekedda Berbera iyo Magaaladda Burco , masaafo ahaana qadar isku midda u jirta mid walba .
– Juqraafi ahaan waa meel qurxoon oo leh buurro , banaano iyo dooxooyin haddii la qorsheeeyo ku haboon caasimadd laggu raaxaysto .
– Dhinaca kale waxay leedahay difaac dabiiciya oo ku haboon in lagaga difaaco haddii wadan shisheeye soo wareero .
– Bilicda deegaanka ay ku fadhidaa waa mid ku haboon soo jiidashadda dalxiisayaasha , waxaana ay leedahay goobo qurxoon oo dalxiisayaashu iman karaan , sidda buuraha gacan-libaax oo ku dhaw .
– Ugu dambayn waa meel hodan ku ah biyaha oo ilaahay ku galaday biyo waraabin karra malaayin qof qarniyadda soo socda , waxaana dhan walba ka marra dooxyo lagga heli karro biyo aan warwar lahayn .
siddaa darteed haddii casaamadi oomane noqotay , caasimadeena aynu u rarno cadaadley .