Somaliland: Shirkada Dahabshiil Group Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Dadka Abaaruhu Ku Habsadeen Ee Gobolka Awdal.

Date:

Shirkada Dahabshiil Group Qaybteeda Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa deeq raashin ah gaadhsiisay dadka abaaruhu haleeleen ee Gobolka Awdal, Deeqdan Raashinka Ah Oo La Gaadhsiiyay 100 Qoys oo ku nool degaanka Lughaya gaar ahaan Riiga Kalowle ee Gobolka Awdal halkaas oo ay abaaarta hordhaceedu si kulul u taabatay.

Deeqdan Caawimada ah oo uu ka qayb qaadanayay Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil Gobolada Awdal/Selel Alxaaji Ismaaciil Riiraash ayaa warbaahinta uga waramaya deeqdan iyo waxa ay ka koobantahay, waxan uu sheegay in deeqdan ay ugu talo galeen 100 Qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ay abaarta xiligan degaanada Gobolka Awdal gaar ahaan Degmada Lughaya, Degaano hoos yimaado oo ay ka mid tahay Riiga Kalowla taas oo uu sheegay inay si adag u asiibtay Abaartu,waxa uuna sheegay deeqdan inay ka kooban tahay,Bariis, Sonkor,daqiiq Iyo Saliid.

Gudoomiye riiraash ayaa sidoo kale sheegay in shirkada DAHABSHIIL Group tahay mid had iyo jeeraale u taagan is garab istaaga iyo taakulaynta dadka jilicsan meel kasta oo ay joogaan maadaama ay yihiin dadka ay u adeegaan ee Macmiilkooda ah, yihiin ka shirkad ahaan kuwo abaalka ay ku leeyihiin dib ugu celiya waxa ay ka shaqaystaan.

Ugu danbyn gudoomiye Riiraash waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay ka qayb qaataan dadkooda abaaruhu ku habsadeen ee ku nool Meel kasta oo ay abaari ka jirto gaar ahaan midan haatan ka taagan Gobolka Awdal.

Si kastaba ha ahaatee Shirkada Dahabshiil ayaa noqonaysa Shirkadii ugu horeysay ee ka jawaabta qaylo dhaanta ka soo baxday abaarta haleeshay dad badan oo ku nool xiligan xeebaha galbeedka ee Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, taas oo ay soo dhaweeyeen uguna farxeen dadkii la gaadhsiiyay Deeqdan Raashinka ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...