Warbaahinta gudaha iyo ta Dibedda ayaa doraad illaa Shalay baahinayey Magaca Shirkad Magaceedu yahay ‘Somaliland Investment Company’, taasi oo Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar ka diwaangeliyeen Xarunta Maaliyadda ee Dubai ‘Dubai Financial Centre’.
Shirkaddan oo lagu sheegay inay tahay Shirkad Maalgeshi oo fududaynaysa in Maalqabeennada Adduunku Maalgashadaan Somaliland ama Somaliland lafteedu Maalgashi samayso, ayaa waxa tuhunno ka dhasheen sababta Shirkadda loogu Diwaangeliyey Magacyada Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Safiirka Imaaraadka Somaliland, maaddaama oo Shirkadda lagu sheegay in Dawladdu leedahay.
sidaasi darteed, ayaa Warbaahintu waxay Shalay Wasiirka Arrimaha dibedda wax ka waydiiyeen ujeeddada Shirkaddaa loo aasaasay, Sababta Magaca Dawladda loogu diwaangelin waayey iyo sababta keentay in Wasaaradda Arrimaha dibeddu faraha la gasho Arrimaha Maalgashiga, maaddaama oo ay jirto Wasaaradda Maalgashigu.
Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo sharraxaya Shirkaddaasi ayaa yidhi “Shirkadda waxa la yidhaahdaa Somaliland Invesment Company (SIC) waxay ku taalla xarunta Shirkadaha Maaliyadda ama Dubai Financial Centre, Shirkaddaa waxa iska leh Dawladda Somaliland, waxay leedahay Shirkaddu Guddi ka kooban laba Qof, Shirkadaha marka la diwaangelinayo waa inaad gudbisaa Magacyo Guddi, labada Qof ee Guddiga ahina waa Aniga iyo Safiirka Imaaraadka ee Baashe.”
Wasiir Sacad waxa kale oo uu sheegay “Ujeeddada aynu ka leenahay Shirkaddaasi waa Laba, Innaga maaddaama oo la inna ictiraafsanayn waxa aad u adag in Waddankeena la Maalgashado oo Lacag la keeno, markaa Shirkaddani waxay innaga caawinaysaa in Cid kasta oo aynu doonayno inay heshiis la galno inaynu kula galno Saaxad Caalami ah, waxa kale ay inoo suurto-gelinaysaa in Dadka Lacagta lagu Maalgashanayo ay Shirkadda soo marto oo ay sidaa Waddanka ku timaaddo, waxa kale oo ay inoo suurto-gelinaysaa innaga lafteenu haddaynu lacag haysanno oo ay doonayno inay Maalgashanno inaynu Maalgashanno, markaa Shirkaddu waxay innaga Caawinaysaa Caqabadaha ictiraaf la’aanta ah ee ku xeeran Maalgashiga iyo Lacagta bixinteeda iyo saaristeeda, halka ugu horreysa ee ay innaga caawinaysaa waa heshiisyada aynu DP World la leenahay ee iskaashi, taasi oo ah sidii aynu u heli lahayn Maalka aynu ku ballaadhinayno Dekeddeena iyo sidii aynu u xisaabtami lahayn, laakiin Shirkaddu waxay u diwaangashan tahay inay Maalgashato meelo badan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in sababta Magaciisa iyo Magaca Safiirka Imaaraadka loogu diwaangeliyey tahay in Shirkaddu ku lug-leedahay heshiiskii DP World “Waxa Magacayga iyo Magaca Safiir Baashe keenay waa Shirkad la xidhiidha oo ku xidhan Heshiiska Maalshiga Dekedda ee DP World.”
Wasiirka oo la waydiiyey Cidda Maamulaysa Shirkadda SIC, ayaa ku jawaabay “Shirkadda Xisaabteeda waxa Maamulaya oo la soconaya Wasaaradda Maaliyadda oo ay shaqadeeda tahay. Wixii Hanti ah ee Shirkadda soo gasha waxa Maamulaysa Wasaaradda Maaliyadda, markaa Shaqadii Wasaaradda Maaliyadda maanaan qaadan, Madaxweynuhuna beriba laba Qof oo kale ayuu Magacaabi karaa, laakiin marka hore si Shirkaddu u soo baxdo (loo diwaangeliyo) waa in Magacyo la gudbiyo.”
sidoo kale, Safiirka Dawladda Somaliland ee Imaaraadka oo ka mid ah xubnaha Magacyadooda lagu diwaangeliyey Shirkadda SIC oo Telefiishanka SAAB waydiiyey waxay tahay Shirkaddani, ayaa ku jawaabay “Shirkaddaasi waa Shir ay leedahay Dawladda Somaliland boqolkiiba boqol, waa Shirkad laga diwaangeliyey Sayladda Caalamiga ah ee Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai, waa Shirkad qaabka ay heshiisyada u galaysaa ay hoos imanayso Shuruucda Caalamiga ah.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa Shirkaddaasi waxay Dawladda u sahli doontaa heshiisyadii ay la geli jirtay Shirkadaha ama Dawladaha.”
waxyaabaha tuhunka geliyey Shirkaddan ayaa ah sababta Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Safiirka Imaaraadku gacanta ugu hayaan hawlo maalgashi, maaddaama oo Dawladdu leedahay Wasaarad gaar u ah Maalgashiga, waxaana Tuhunnadaa sii xoojiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maalgashiga Axmed Abokor oo la waydiiyey waxay Wasaaraddoodu kala socoto aasaaska Shirkadda Dubai laga diwaangeliyey “Sidaa aad Warbaahinta ugu aragteen ayuun baan Warbaahinta uga arkay (Warka Shirkaddaasi), Wasiirka Wasaaraddayda Mudane Cawil oo Dubai ku maqan oo aan Arrintan wax ka waydii is lahaana Telefoonkiisa ayaa xidhnaa, Aniguna wax xog ah oo rasmi ah oo aan Xafiiskayga ku arkay ma jirto.” ayuu yidhi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Somaliland Axmed Abokor.