Somaliland: Bulsho Sicir-Bararkii Uu Shidaal-Barar Ugu Darsamay

Date:

Qiimihii Baatroolka & Naaftada Oo sare-u-kac weyni ku yimid iyo Shirkaddaha Keena Shidaalka Oo Qiimaha Gacantooda Ku Goosta

Shirkaddaha Shidaalka keena Somaliland ayaa qiimihii shidaalka kordhiyay, Waxaanay ku dareen $15 qiimaha foostada baatroolka ah oo ahaan jirtay $135, imikana noqotay $ 152. Sidoo kale qiimaha foostada naaftada ah oo hore u ahayd $130 ayaa waxa ku kordhay $16, waxaanay imika noqtay $146.

Iyadoo qiimaha shidaalka caalamku wax korodh ahi ku iman ayaa shirkaddaha Somaliland keena shidaalka ee Red Sea ,Hass Petrolium iyo Som Oil ay qiimihii kordhiyeen.

Korodhka qiimaha shidaalka Somaliland ayaan habayaraatee ku salaysan ka caalamka kale ee shidaalku innooga yimaado, waxaana xusid mudan inaanay habayaraatee shirkaddahani dhankooda ka hadlin sababta keentay korodhka intaa le’eg ee ay ku sameeyeen shidaalka ay dalka keenaan, taasina waaxay ku tusaysaa inaanu jirin sharci ama kaantarool lugu sameeyo shirkaddaha keena shidaalka oo ay dawladdu ku qabato gacmo adag, si bulshadu u badbaado.

Bulshada Somaliland oo awalba la daalaadhacaysay sicir-bararka dalka aafeeyay, ay haatan ay ugu darsan tahay kor-u-kac balaadhan oo ku yimid Qiimahii shidaalka, sida Baatroolka iyo Naaftada, taasina waxay saamayn doontaa noloshooda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...