Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Arbacadii kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sidii loo xoojin lahaa, iyo sidii Imaaraadka uu u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Imaaraadka iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal in uu yahay mid soo jireen ah.

Sida ay qortay Wakaaladda (WAM) Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxda Imaaraadka sida Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum, madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha iyo xaakimka Dubai.

Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, ayaa dhankiisa Madaxweyne (Farmaajo) uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in Abu Dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...