Siyaasiga hoggaamiya Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa markii u horaysay sheegay in Garaado iyo Siyaasiyiin isaga mucaarad ku ah oo Muqdisho ka abaabula shirar ka dhan ah wada hadallada Somaliland iyo Khaatumo mushahar fara badan ka qaataan Madaxtooyada Somaliland. Waxa uu sheegay in arrintaasi fajac ku keentay oo aanu fahmayn waxa macnaheedu yahay.
Cali Khaliif waxa uu ku dooday in ay rag badan oo markii hore barbar taagna isku seegeen wada hadalka Somaliland laakiin, aad mooddo in beesha Isaaq Ingiriiskii ka baratay nidaamka Qaybi Oo Xukun, islamarkaana ay midba af kula hadlayaan labada nin ee Dhulbahante ee wada socda waxaanu ku baaqay in wada hadallada loo dhiibo dad aan hawl kale hayn oo arrintani ka go’an tahay horumarna ka keeni kara.
Dr Cali Khaliif Galaydh waxa uu ka hadlay siyaasadda Somaliland ee xisbiyada waxaanu sheegay in ay yihiin isbahaysiyo qabiil isaga oo soo qaaday jeegaanta oo lagu magacaabo isbahaysiga Subeer Awal iyo Habarjeclo oo doorashadii u dambeysay soo shaac baxay. Waxa uu sheegay in wakhti yar ka hor doorashada la odorosayay in codka beelaha Habarjeclo u qaybsamayo xisbiyada laakiin, maalmihii doorashadu soo gashay qaylo dhaan qabiil lagu bedelay dareenka bulshada isaga oo ujeeda in ay sidaas ugu codeeyeen Kulmiye.
“Waayadaa hore waxa la akhriyay Habarjeclo codkoodu wuu qaybsamaya; kollay Biciide, Axmed Faarax iyo qolyahan Hawdka joogaba, afar ama shan cisho ka hor doorashada wax baa dhacay tolaayeey, tolaayeey iyo sheekooyinkii hore ee dadka lagu bajin jiray ayuun baa dhacday. Waa bahashan haddii aan 5-ta sanno ama 10-ka sanno ee soo socda wax loo dhisin, mushtamaceena ah mid burburay..,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Cali Khaliif.
https://youtu.be/5F-cwy2NUEQ