Somalia: Jidadka magaalada Muqdisho oo intooda badan saakay xiran

Date:

Inta badna waxaa saakay xiran jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta badan Isgoysyada Wadada Maka Al-Mukarama ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka aan loo ogoleyn, sidoo kale wadada Wadnaha ayaa loo ogoleyn in ay gaadiidka uga soo gudbaan dhinaca Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana loo ogolaa dadweynaha.

Sidoo kale waxaa  gabi ahaanba xiran oo aan loo ogoleyn in ay gaadiidku isticmaalaan laga bilaabo Isgoyska Tarabuunka ilaa laga gaarayo Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan.

Ciidamada ku sugan Koontaroolada labada Isgoys ah ayaa gaadiidka iyo Mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa lugeynaaya Wadooyinka dhexdooda.

Ciidamada Ammaanka ayaa xataa diidaya in dadka Shacabka ay maraan Isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta loo xiray wadadaasi oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka Muqdisho, laakiin waxaa loo maleynayaa in arintan xiriir la leedahay shirka hogaamiyayaasha Soomaaliya maanta uga furmaya magaalada Muqdisho

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...