Deg Deg: Ciidamada Somaliland Oo Dagaal Culus Qaaday Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Maamulka Puntland + Khasaarihi Ka Dhashay

Date:

Deg Deg: Ciidamada Somaliland Oo Dagaal Culus Qaaday Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Maamulka Puntland + Khasaarihi Ka Dhashay

Warar lagu kalsoon yahay oo Xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Shalay barqonimadii ay Ciidamo ka tirsan Kuwa Qaranka Somaliland ee jiida hore ku sugan oo gaadiid dagaal wataa ay qabsadeen magaaladda Boocame oo ah degmo ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland,islamarkaana ka mid ahayd goobaha mihiimka ah ee gacanta ugu jiray Puntland ee gudaha Dalka Somaliland ku taala.
Warar faah faahsan oo Gobolka Sool naga soo gaadhay xalay ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka Warkaasi iyo inaanu wax dagaal ahi ka dhicin degmadaasi islamarkaana ay Ciidamada Qaranka Somaliland si nabadgalyo ah ku tageen degmadaasi iyadoo sida la sheegay maleeshiyo halkaasi deganayd oo taabacsanayd Maamul Goboleedka Puntland ay iskaga yaaceen markii ay magaaladaasi gaadheen Ciidamada Qaranka Somaliland iyadoo dhinaca kalena la sheegay inay Ciidanka Qarank Somaliland soo dhawayn balaadhan kala kulmeen Dadka Deegaanka iyo dadka ku dhaqan Gudaha Magaalada Boocame.
Bishii aynu ka soo gudubnay horaanteedi ayay Ciidamada Qaranka Somaliland ay si toosa ula wareegeen gacan ku heynta degmada Mihiimka ah eeTukaraqa ee Gobolka Sool, tanina waa degmadii labaad ee ay la wareegaan ciimada qaranka Somaliland iyada oo aanay wax dhibaato ahi ka dhicin goobahaasi iyo deegaankaasi ama aanu dhiig ku daadan.Magaalada ama Degmada Boocame waa Magaalo meel mihiiim ah kutaala oo hal bawle u ahayd Maamulka Puntland,waxaana ay Warbaahinta Puntland xalay si weyn u faaqidasay qabsaday Ciidamada Qaranka Somaliland shalay kula wareegeen Degmada Boocame oo masaafe ahaan Koonfur ugu toosan Degmada Tukoraq islamarkaana u dhexaysa Laascaanood iyo caasimada Puntland ee Garowe.
Arrintan ayaa noqoneysaa guul kale oo ciidamada qaranka Somaliland uga soo hoyatay degaamooyinka Gobolada bariga Somaliland ee Sool oo ay labadii bilood u dambeeyay ka wadeen Dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ugu dhawaanayaan Xuduuda ay Somaliland lawadaagto Soomaaliya ee ay ka tageen Gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriisku.
Ilaa hada lama oga waxaa ay noqon doonto xaalada degmadan iyo deegaaanada hoos yimaada iyada oo ay cabsi xoogani soo food saartay guud ahaan dadka deegamaasi ku teedsan oo cabsi qaba in la isku dul qabsado.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...