Somaliland: Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Oo Lagu Soo Dhaweeyay Calanka Soomaaliya

Date:

Dr Cali Khaliif Galaydh hoggaamiyaha Khaatumo oo dhawaan ka dhoofay magaalada Hargeysa ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Minnesota ee carriga Maraykanka. Lama oga ujeedada socdaalka Dr Cali Khaliif ku tagay Maraykanka oo uu dhalashadiisa haysto laakiin, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay bulsho sidata calanka Soomaaliya iyo kan Maraykanka.

Sawirrada soo dhawaynta Dr Cali Khaliif ayaa muujinaya dadka soo dhaweeyay oo sita calanka Soomaaliya iyo kan Maraykanka. Cali Khaliif ayaa muddooyinkii u dambeeyay sheegayay in aanay Muqdisho iyo Garoowe midna waxba ka sugayn taa bedelkeedana ay Hargeysa tahay halka kaliya ee wax u ogol.
Dr Cali Khaliif ayaa intii Madaxweyne Muuse talada hayay dhawr goobood ka sheegay in heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo ee xukumaddii Siilaanyo u baahan yahay in la fuliyo, islamarkaana fursadda ugu weyn ee midnimada Somaliland taaggan tahay, hase ahaatee arrintaasi kama jawaabin Madaxweyne Muuse iyo xukumaddiisa toona.
Dr Cali Khaliif ayaa ka hor intii aanu dalka ka dhoofin socdaal ku soo maray degaanno ka tirsan Buuhoodle iyo gobolka Sool, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay waxgaradka bulshada hase ahaatee faahfaahin badan lagama bixin natiijada socdaalkiisa inkasta oo uu ku soo beegmay xilli xurguf siyaasadeed ka taaggan tahay degmada Tukaraq oo dhawaan ciidamada Qaranka Somaliland qabsadeen.
Madaxweyne Muuse oo aan magacaabista xukumaddiisa lagu arag saami qaybsi fulinaya heshiiska Khaatumo ee ay xukumaddii hore ee Kulmiye gashay ayaa laga dhursugaya sida uu ula macaamilo bulshada bariga Somaliland oo codka ugu badan siisay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyada oo Cali Khaliif ku adimayo in wixii ka xumaada heshiiska aanay masuuliyaddiisa lahayn bulshada gobollada Bariga Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...