Somalia: Howlgal lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab laga fuliyay Jubbada Hoose

Date:

 Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in howlgal wada jir ah oo iska kaashanayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah laga fuliyay deegaan lagu magacaabo Baar Sanguuni oo Kismaayo u jira 45km.

Wararku waxaa ay sheegayaan in howlgalkaa ay ka qeybqaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter ah, iyagoo duqeeyay fariisimo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 43aad Jen. Ismaaciil saxardiid ayaa u sheegay Idaacada ku hadasha afka Ciidamada xoogga dalka in duqeynta iyo weerarka ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Weerarkaasi lagu dilay illaa 7 dagaalyahan iyo afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay labo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Ma ahan markii u horeysay oo weeraro wadajir uga fuliyaan Jubadda Hoose ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab iyo Ciidamo Mareykan ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...