Wasiirka biyaha Somaliland Md Saleeban Cali Koore ayaa waxaa uu maanta booqasho ku tagay magaalada Tuko-raq ee Gobalka Sool taas oo dhawaan ay ciidamada Somaliland kala wareegeen maamulka Puntland
Wasiirka oo dadka deeganka la hadley waxaa uu sheegay in uu hor dhac u yahay masuulyiinta ugu sareysa Somaliland oo dhawaan halkan booqasho ku iman doonta
Wasiirka oo ay weheliyeen Gudoomiyaha Gobolka Sool Duqa degmada Laascaanood, Xildhibaano iyo laamaha amniga ee Gobolka ayaa soo maray degaanada fadhiisimada ciidamada Somaliland.
Wasiirku waxa uu la kulmay odayaadha Degaanka Tukaraq Qaarkood oo u sheegay in Tukaraq aanay ka duwanayn gobolka Sool intiisa kale, hadii ay waqabad u wadaana ay diyaar u yihiin.
Wasiirka oo duqaydaasi la hadlay ayaa waxa uu uga waramay ujeedada safarkiisa iyo sidii ay degaanada kale u soo gaadhsiin lahayd.
“Madaxdii wadanka waxa ay imaanaysaa Tukaraq waxaana la idiinka baahan yahay in aad diyaarsataan baahida degaanku u baahan yahay” ayuu yidhi Wasiir Koore isagoo intaas ku daray in aan dadku aanay qixin ee ay kalsooni ku qabaan ciidanka.
Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Laascaanood C/casiis Xuseen Xasan ayaa u balanqaaday in dhowaan uu soo gaadhsiin doono laydhadhka wadooyinka.
Magaalada Tukaraq ayaa hada dad badani ay ka barakeceen iyadoo laba cabsi qabo dagaal dhex mara Puntland iyo Somaliland.
https://youtu.be/OeBIGX3s62Q