Somaliland: Tobannaan Shaqaale Madaxtooyada Beddel Ku Yimid Oo Dib Loogu Celiyey Wasaaradahoodii

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaani, ayaa ka hadashay Shaqaale Tiradooda lagu sheegay dhowr iyo sagaashan, kuwaasi oo Maalmihii u dambeeyay Warbaahintu qoraysay in laga eryey Madaxtooyada.

Shaqaalahan oo Wargeysyada Caasimadda ka soo baxa qaarkood sheegeen inay hore uga tirsanaayeen Wasaaraddii Madaxtooyada ee Xukuumaddii hore isla-markaana markii Wasaaraddii Madaxtooyadu meesha ka baxday laga eryey Madaxtooyada, ayaa Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxay kala socoto iyo Sababta Shaqaale tiradoodu ku dhowdahay boqol mar kaliya loo eryey, ayaa sheegtay in Dadkaasi iskugu jireen Shaqaale lagu sheegay ‘Ku meel-gaadh’ iyo kuwo Wasaarado kale ka tirsanaa oo beddel ahaan ku yimid Wasaaraddii Madaxtooyada, sidaasi darteed Shaqaalihii Wasaaradaha kale ka soo beddeshay lagu celiyey Wasaaradahoodii, halka kuwa kalena sifo sharci ah arrinkooda loo maarayn doono.

Wasiir Hinda oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay sheegtay “Xeerka Hay’adda Shaqaaluhu wax buu qorayaa, markaa Shaqaale ku meel-gaadh la yidhaahdaa kuma jiro, Dadkaasi waxay iskugu jireen laba nooc, labadaa nooc waxay ahaayeen in dhallinyarada la dhiirigeliyo iyo nooc quruxda Madaxtooyada jeclaystay inay shaqeeyaan oo Wasaarado kale beddel ka soo qaatay, kuwa beddelka ku yimid (Madaxtooyada) waxaan leeyahay Calafsada Wasaaradihiinii, waalla wada qurxinayaa Wasaaradaha’e, kuwa ku meel-gaadhka ah waxa loo mari doonaa Sifo sharciga waafaqsan, wixii kalena Hay’adda shaqaalaha ayaa ka jawaabi doonta qaabka loo maamuli doono.”

Ugu dambayn, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa wadda qorshe lagu tiro-koobayo isla-markaana lagu hubinayo Shaqaalaha Dawladda, si meesha looga saaro Shaqaale aan jirin oo Masuuliyiinta Xukuumaddii hore qaarkood Mushaharkooda ka qaadan jireen Dawladda.

Qorshaha dib u habaynta shaqaalaha ee Hay’adda Shaqaaluhu waddo ayaa keentay in inta aanay Hay’addu soo gaadhin ay Wasaaraduhu si iskood ah Shaqaalahooda u hubiyaan, maaddaama oo Madaxweynaha cusub uu ballan-qaaday inuu cidhib-tirayo nooc kasta oo Musuqmaasuq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...