Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa ka hadlay xaalada ka taagan Gobolada Barri, sida dagaalkii dhexmaray Somaliland iyo Puntland, safarkii Wasiirka Qorsheynta Somaliya ee Badhan, iyo tabashada dadegan Gobolada Barri.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland, Saldhiga Milatari iyo Raasiga Dekadda Berbera, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya wasiirkii Badhan yimid ee Soomaaliya uu yidhi “Waligeed Somaliland Badhan ma gaadhin, ilayn wixii gara ayaa laga hadlaaye, Ciidamo Puntland ah iyo Ciidamo inaga ah oo iska caago leh ah ayaa jooga, markaas meel madhan oo uu yidhi nin deegaanka u dhashay wax baan keenayaa ama horumar baan keenayaa haddii aynu inagu ka dhigno arin dhibaato ah, dadka ayuun bay sii kicinaysaa, aniguna ma qabo inay faragelin Milatari inagu sameeyn karaan nimanka Puntland la yidhaahdo ama Somaliya, laakiin faragelinta ay inagu sameeyn karaan waa iyagoo dadkeena inaga kaxaysta, dadkeenu Dawladdii hore ayey hakrasho badan ka tirsanayaan, wada hadalo ay la galeen oo ay ka baxeen, iyo heshiiskii Khaatumo oo qabyo ah, boqol wax bay tirsanayaan, markaas haddii aynu fursadaas siino wey ina faragelin karaan, laakiin inagu haddii aynu dadkeena la hadalno, oo Xukuumaddan cusubi dadkeeda la hadasho, wax faragelin ah oo lagu sameeyn karayaa ma jirto, waxa qudha ee ay sameeyn karaan waa iyaga oo ina kala qaybiya”.
Mar uu ka hadlaayey dagaalkii dhexmaray Somaliland iyo Puntland ayaa yidhi “maanta Ciidan iyo Dagaal meel aynu ka qaadnaba garan maayo, iyagu Ciidanba inooma soo wadaan, weerarkana waxaa la ii sheegay sida aan wararka deegaanka ku hayo inay weerarka Somaliland qaaday ee aan halkaas laga soo qaadin, shakiyuun baa jira, ee Deegaanka anaga ayaa xogogaal u ah, niman baa leh, wax baanu sameeynaynaa, kan baanu sameeynaynaa, waxaas oo dhami waa wax la xalili karo”.
Wasiirkii hore ee Biyaha mar uu ka hadlaayey tabashada dadka deegaanka Gobolada Barri iyo Xukuumadda Muuse Biixi, waxa kala gudboon ayaa yidhi “Dawladda cusub ee Muuse Biixi Cabdi, waa inay dadka la hadlaan, muddo badan bay dadku lahaayeen ha nalala hadlo, Somaliland wax baanu doonaynaa in aanu la galno ee ha nalala hadlo, cidina lamay hadlin, kuwii hore ayaa la eegayey inay midho dhalaan, si kuwaas loogu gudbo, markaas aniga waxay ila tahay wada hadal baa loo baahan yahay ee Ciidan baan ku qaadayaa iyo maxa lagugu yimid, iyo nin yidhi dhawr milyan oo mucaawimo ah ayaan idin keenay, oo waddo lagu sameeynayo haddii la yidhaahdo ka hor taga, waxa loo arkayaa inay Dawladda Somaliland diidan tahay nolosha dadkaas iyo horumarkooda, waxa dadkaas loo keenaya, ee Xamar looga keenayaa, waa waxay xaq u lahaayeen, markaas dadku wey ina doonayaan ee in dhibaato, la galiyo oo xoog iyo dagaal baa la galayaa la yidhaahdo, kicin bay galaysa”.
Mar uu ka hadlaayey sida ugu haboon ee uu arko in xadka Somaliland lagu tagi karo, ayaa yidhi “Xadka iyadoo xoog iyo xabad lagu gaadhin, baanu gaadhsiinay meesha la yidhaahdo Kacayo iyo Shaxda, xagga shishe ee dhinaca Qardho ayey Garoowe ka xigaan, Xadka gaadhistiisu waa muhiim, laakiin marka la gaadhayo waa inay macno ku fadhidaa, ee aanay dagaal ku iman, haddii dagaal dhaco inaguna faa’iido ka qaadi mayno, iyana faa’iido ka qaadi mayaan, Ciidamaduna bari halkoodii bay ku soo noqonayaan, waayo waa dhuun, laakiin anigu waxaan leeyahay nabad ha lagu xaliyo, xitta haddii aynu wax ka tirsanayno si Diblamaasiya wada hadalo marka hore ha lagu daro, inta aan dagaal la bilaabin”.
Mar uu ka digaayey dhibaato iyo dagaalo ayaa yidhi “Dhinaca Barriga, waxaan anigu Xukuumadda kula talinayaa in intii laga taxadiri karo, in laga taxadiro in dagaal la bilaabo, waxaan ku talinayaa in dadkeena gaadhno, wax u qabano, arintan Tukaraq iyo meeshan Laascanood ka shishaysana, waa run in dadkeenii kala qaybsan yihiin, laakiin Somaliland sidaas ayey ku haysay toban sanno, garan maayo waxa maanta is bedelay, waa inaynu fahanaa siyaasadda dhabta ah ee ay ka leedahay, ee imika loo dhaqaaqay, kolay anigu maan fahmin, dadkana kicinta ha laga daayo, meel aanad waligaa tagine muxuu qof u yimid, waa dhaliil aad adigu leedahay, horumar inaga ahi muu tagin, mashaariic inaga ahi muu tagin, markaas haddii lagaga horeeyo, dabaadaha ayaan dhaqaaqijinayaa maaha macquul, ee waxaynu u baahan nahay inaynu dadkeena kasbano, wada hadaladii sii wadno, waanu ognahay oo dadka deegaanadaas ku nooli rajo badan oo Xamar ka sugayaan, oo ma jiraan, dagaalna uma baahna, anagu hab baanu rabnay in lagu gaadho, oo habkii aanu ku qornay heshiis Awr-goobays, maaha in la is yidhaahdo wax ku xaliya dabaabad, ciidan iyo talaay, haddii halkan Ciidan laga dhaqaajiyo, halkaasna talaay yaa reer hebel ah ayaa ka imanaysa, oo waxa laga yaaba inay dadkeenu halkaasba la saftaan, oo qabiilba isku bedesho, markaas haddii wax la doonayo in la xalilo, xalkeeda waa la helayaa, Madaxweynaha ragga ku dhaw-dhaw, ee deegaanada Barri ka soo jeeda waxaan leeyahay taladda saxda ah iyo xogta dhabta ah Madaxweynaha siiya,laakiin haddii la abuuro waxaan jirin waa dhibaato”.
Mar uu ka hadlaayey Maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey ayaa yidhi “Somaliya sharciyadeenii oo dhan bay haysta, sharciyan xagga adduunka wali yada ayeynu hoos tagnaa, hawada oo qudha maaha, Dekadda Berberaba iyaga ayaa saxeexay, oo Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Dubia ka saxeexay, markaas wali nimanka sharciyan weynu is haysana, wada aynu ku kala bixi lahayna lama gaadhin, waa tii la yidhi wada hadal ha la galo, wada hadalkaas inaynu ku kala tagno oo aynu ku kala baxno, bay ahayd oo dani inoogu jirtay, balse ma garanayo Siyaasada cusub ee Caalamka ka jirta”.