Breaking News: Maxkamad Xukuntay Dhallinyaro Lacag Ay Ka Dhaceen Nin U Dhashay Japan Ka Iibsaday Gaadhi

Date:

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun dheer ku ridday Saddex Dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay Lacag iyo Qalab uu sitay ka dhaceen Nin u dhashay Dalka Japan, kaasi oo Dalxiis ahaan ku yimid Somaliland.

Ragga dhallinyarada ah ee Maxkamaddu xukuntay ayaa bil ka hor dhac u geystay Nin u dhashay Dalka Japan, waxayna ka qaateen Lacag Caddaan ah oo sitay iyo Qalab yaryar oo Kamaradda Sawirku ka mid tahay, waxayna Dhallinyaradaasi Lacagtii ay Ninkaa Ajaanibka ah ka dhaceen ku iibsadeen Gaadhi Taksi ah, laakiin markii dambe waxa Gacanta ku dhigay Ciidammada Booliiska oo Gacan ka helay Waalidiinta dhallinyaradaasi, waxaana qabashadooda ka dib la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo ku ridday xukun dheer.

Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada waddooyinka Somaliland, ahna Afhayeenka Ciidanka Booliiska Faysal Xiis Cilmi, ayaa ka warramay qabashada iyo Xukunka Dhallinyaradaasi waxaanu yidhi “Baadhis dheer ka dib, waxa Ciidanka Booliisku Gacanta ku soo dhigeen Nimankii Fal-dambiyeedkaa galay oo Tiradoodu tahay 3.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in Dhallinyaradaasi ay Gaadhi ka iibsadeen Lacagta ay ka dhaceen Ninka u dhashay Dalka Japan “lacagtii ay dhaceen waxay ka iibsadeen Hal Baabuur oo Lambarigiisu yahay 85619 noociisuna yahay 110 (Tagaasida Raaxada), sidoo kale Kamarad ay ka qaateen (Ninka Ajaanibka ah) Kamaraddii waa la hayaa oo Ciidanku Gacanta ayay ku soo dhigeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Qabashada Dhallinyaradan ay Booliiska Gacan ka siiyeen Waalidkoodu “Qabashada Dhallinyaradaa waxa Gacan naga siiyey Waalidkooda oo aan aad ugu Mahad-celinayno.”

Faysal Xiis waxa kale oo uu sheegay “Nimankaa waxaanu u gudbinay Xeer ilaalinta, ka dibna Maxkamadda ayaa Xabsi dheer ku xukuntay.” Ayuu yidhi.

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay in dhallinyaradaa lagu xukumay Xadhig Sanado badan ah, balse ma sheegin Muddada rasmiga ah ee Maxkamaddu xukuntay dhallinyaradaasi, Wargeyska Himilo uma suurto-gelin inuu helo Tirada Sanadaha Dhallinyaradaa lagu xukumay, waxaase xusid mudan in Qof Afraad oo Ciidanka Booliisku u qabteen Kiiska Ninka Ajaanibka ah ee la dhacay in Maxkamaddu ku xukuntay 9 bilood oo Xadhig ah, kaasi oo Afhayeenka Boolisku sheegay inuu qariyey Baasaaboor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...