Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xeer Ka Dhan Ah Haweenka Oo Toddoba Sanno Horyaallay Golaha Wakiillada, Kaasi Oo Shalay Hal-dheeri Lagu Meel Mariyey
“Waxaan Hambalyaynayaa golaha wakiilada Somaliland Oo Maanta [Shalay] Cod Hal Dheeri ah ku Ansixiyey Xeer Aan odhan Karo Waa Kii Ugu Mudnaa Qaranka” – Hinda JAamac Xirsi [Gaani, Wasiirka SHG &AB JSL
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland Marwo Hinda JAamac Xirsi [Gaani], ayaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ku bogaadisey Ansixinta Xeerka Kufsiga iyo Tacadiyada Jinsiga ah, kaasi oo muddo hor-yaallay. Shir-jaraa’id oo Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelintu ku qabatay Xafiiskeeda Hargeysa ka dib markii Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu ansixiyeen Xeerka Kufsiga iyo Tacadiyada Jinsiga ah ee ka dhanka ah ee Haweenka. Wasiir Hinda oo arrimahaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi “Hambalyo iyo bogaadin aanu la wadaagayno gabdhaha reer Somaliland, kaasi oo muhiimadiisu ay tahay in golaha wakiilada Somaliland ay ansixiyeen xeer aan odhan karo waa xeerkii ugu mudnaa qaranka, kaasi oo lagu ilaalinayo tacadiga ka dhanka ah xuquuqda haweenka ama Kufsiga, marka koowaad ILAAHEY ayaa mahad iska leh, waxaan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa golaha wakiilada Somaliland oo maanta [shalay] ku ansixiyey cod haldheeri ah oo 46 mudane inay noqoto wax xaaraan ah oo aanay marnaba heshiis iyo gor gortan shakhsi kasta oo isku daya inuu xoog danihiisa gaarka ah uga qabsada hablaha aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa golaha wakiilada hablaha reer Somaliland-na waxaan leeyahay iyada oo qaranku naftiina ilaalinayo maanta ayey tahay inaad ammaan meel kastaba ku mari kartaan, sidoo kale waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ku lahayd ama ka qayb qaadatay hirgalinta xeerkan, xeerkana waa xeer socday muddo dheer, waxaa la bilaabay 2011-kii waxaanu dhamaaday 2018-kii waxaan odhan karaa waxa uu soconayayey 7 sanadood, ILAAHEY ayaa mahadleh waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba u mahadcelinayaa golaha wakiilada Somaliland sida masuuliyadda iyo dedaalka leh ee ay iskaga xil saareen inay ilaaliyaan xuquuqda hablahooda, waayo habluhu waa hooyada iyo xaaskaaga inantaada iyo walaashaa mid kastaana kuwaasi ayey la xuquuq tahay”.
Wasiirka shaqo galinta iyo arrimaha bulshada oo ay wehelinayaan masuuliyiinta waaxaha wasaaraddu ayaa ugu baaqay mudaneyaasha golaha guurtidu inay ansixiyaan xeerkaasi, waxaanay tidhi iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa “Waxaan leeyahay mudaneyaal way soo fuliyeen oo waa ay dhamaystireen wixii ku aadanaa dhinacooda golaha wakiiladu, waannu uga mahadcelinaynaa mar kale, waxaananu idinka rajaynayaa idinka oo ah guurtidii iyo samotalintii dhameystirkiisa inaad sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbin doontaan waananu idiinka mahadnaqaynaa waananu idinka sugaynaa insha allah, waxa ay tahay gabo gabada iyo dar daarankaygu in aanu masuuliyad adag iska saarno sidii uu u hirgali lahaa fulinta sharcigan”.