Somaliland: Wasiir Hore Oo Ka Digay In La Dhayalsado Hanjabaada Xuutiyiinta

Date:

Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare), oo Xukuumaddii Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Duulista Hawada, Xanaanada Xoolaha iyo Arrimaha Bulshada, ayaa ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta ee ku waajahan Somaliland, waxaanu ku taliyey in aan la dhayalsan hanjabadaas ee aad looga taxadiro, lagana feejinaado, madaama ay Somaliland taageeratay xulafada Sucuudigu hogaaminayo, isla markaana dalka ka siisay saldhig Milatari Imaraadka Carabta.

Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare), oo Xukuumaddii hore Wasiir ka ahaa oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu ku taliyey in mar walba loo baahan yahay in danta qaranka loo midoobo mucaarid iyo muxaafidba, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya hanjabada Xuutiyiinta “Waan maqlaayey inay Xuutuyiintu u hanjabeen Somaliland, shalayna waxaan Berbera ka maqlaayey inay soo tureen Madfac, inkasta oo aan xaqiiqada la hayn, haddana dadweynuhu waxay sheegayeen in marka Laas-ciidle la dhaafo, inay yidhaahdeen Madfac baa ku soo dhacay oo bahal gubanaya ayaa na dulmartay, wax ay Xuutiyuuntu inoo qariyaana ma jirto, oo cadawgaaga saaxibkii adigana waa cadawgaaga, wax la yareeystana maaha Xuuturiiyintu waana qasab inaynu ka feejigaano oo aynaan yareeysan, hanjabadaasna iska hadal maaha ee waa ka dhab, mar haddii aynu xulufo la noqonay Wadamadii Sucuudiga iyo imaraadka oo ay is hayeen, cadaw kale ayey inoo arkaan inaga, inaguna weynu caddaynay inaynu xulufo la nahay Sucuudiga iyo Imaraadka, iyaguna taas wey diidayaan”

Mar uu ka hadlaayey dhibaatada Somaliland ka soo gaadhi karta Xuutiyiinta ayaa yidhi “Hajabadaas Xuutiyiinta in la yeeraysto maaha ee waa in khatar aad ah loo qaato, Berbera Dekadii iyo Haamihii Shidaalka ayaa isa saaran, Hargeysina waxba uma jirto, Gantaalka Riyaad lagu riday, dabcan Somaliland uu soo gaadhaya, markaas waa in taxadirkeeda iyo siyaasadeeda la yeesho, hanjabadaasina maaha arin la dhayalsando, ee waa arin khatar loo qaadan karo”.

Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko kulankii dhexmaray Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi ayaa yidhi “Kulankaas waanu soo dhaweeynayaa, Mucaarid iyo Muxaafidba in danta qaranka laga wada shaqeeyo oo danta dalka la isku kaashado ayaa muhiim ah, Madaxweynuhuna isaga ayaa Mucaarid iyo Muxaafidba u wada Madaxweynaha, isaga ayaana masuuliyadu saaran tahay, Mucaaradkuna in wixii qaranka ka khaldan inay saxaan ayey Mucaarad ku yihiin, ee in dan gaar oo ay leeyihiin la saxo Mucaarad kuma ah, balse in la midoobo ayey muhiimada ugu horeeysa tahay”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Talaabooyinka uu Muuse Biixi ku dhawaaqay waa talaabooyin wanaagsan, balan qaadaydiina waa inay fulaan, Wadankana wax badan baa loo qaban karaa, in la tartamana xaq baa loo leeyahay oo dal Dimuqraadiyada ayeynu nahay, tartankana hal qof baa badiya, marka la tartamayana nin waliba wuxuu is leeyahay waxaas iyo waxaas ayaad hagaajinaysaa, Wadamada inala midka ah ee Riwaanda, Alatiriya iyo Itoobiya ayey ka mid yihiin marba baynu xornimada wada qaadanayey, weyna ka dambaynaa, inaynu ku dayno oo himiladaasi inagu jirto, oo aynu horumarkeena ka talo waa daruuri, ninka kursiga qaranka ku ku fadhiya waa inuu dulqaad u yeesho muran iyo qab-qabsi, laakiin murankaas iyo qab-qabsigaasi yaanu noqon xad gudub ee waa inay noqdaan kuwa lagu dhiirigelinayo, talaabooyinka iyo balanqaadyada uu Madaxweynuhu sheegayna haddii uu fuliyo waa wax ku ool”

https://youtu.be/_cfEcJ089hA

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...