Korontada oo ka tagtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hartsfield-Jackson ayaa sababtay in qayb ahaan la xiro, duulimaadyo badaanna dib loo dhigo.
Garoonkan diyaaradaha ayaa ah midka ugu mashquulka badan adduunka oo dhan, waxaana maalinkaste adeegsada 250,000 oo rakaab ah iyo 2,500 oo duulimaad.
Dadkii safrayay ayuu mugdigu haleeyay iyaga oo qaarkood ay garoonka ku dhex jiraan kuwo kalana ay diyaaradaha saaran yihiin.
Diyaarado soo dagi lahaa ayaa garoomo kale loo weeciyay, kuwo kale oo ka duuli lahaana garoonka ayaa lagu sii hayay.
War qoraal ah oo uu garoonku soo saaray ayaa lagu sheegay in ay korontadu go’day Axaddii sagaalka ama saddexda fiidnimo Saacadda geeska Afrika.
Georgia Power oo ah shirkadda korontada siisa garoonka ayaa sheegtay in ay rumaysan yihiin in uu dhibkani ka dhashay dab ka kacay korontada dhulka hoosteeda marta ee garoonka.
Waxay sheegtay in aysan garanaynin waxa sababay dabka, balse ay rajaynayso in ay korontada soo celiyaan saqda dhexe ee Axadda wakhtiga deegaankaas oo ku aadan 8:00 subaxnimo ee geeska Afrika.
Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya rakaabka oo meel madaw fadhiya.