Somaliland: Gole Ka Kooban 32 Wasiir Iyo Xubnihii Lama Taabtaanka Ahaa Oo Meesha Ka Baxay

Date:

Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Muuse Biixi soo Dhisay waxa ka dhex muuqda toddoba Wasiir oo Xukuumaddii Siilaanyo Ka Mid Ahaa

Siyaasiyiinta waaweyn ee  Golaha Wasiirrada Ka Dhex Muuqda Waxa Ka Mid Ah  wasiirka cusub ee Daakhiliga oo ay rafiiq siyaasadeed iyo saaxiib isku dhow yihiin Madaxweynaha  

Madaxweynaha cusub ee  Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay magacaabay Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 23 Wasiir iyo 9 Wasiir Ku-xigeen, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno ka mid ah golihii hore ee madaxweyne Axmed Siilaanyo. Golahan lagu dhawaaqay saddex xubnod oo kaliya ayaa xejistay boosaskoodii,  oo kala ah Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo dib loogu magacaabay booskiisii iyo Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri Ismaaciil Bandare oo dib loogu  soo celiyay wasaaradeedii iyo wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo aan isagana xilkiisii loo daayay. Waxa kale oo iyaguna golaha ka dhex muuqda wasiir ku xigeenkii amniga ee xukuumadda talada wareejisay Maxamed Muuse Diiriye  oo dib loo magacaabay wallow uu kursigiisii amnigu meesha ka baxay balse loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha. Sidoo kale saddex wasiiru dawle oo xukuumada hore ahaa ayaa laba kamid ah wasiir ku xigeenno loo magacaabay halka ka kalena wasiir buuxa loo dhiibay kuwaas oo kala ah:Wasiiru dawlihii waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan oo loo magacaabay wasiirka cusub ee xidhiidhka goleyaasha iyo  dastuurka, Wasiiru dawlihii madaxtooyada Maxamed Muuse Abees  oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, iyo Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxumed (Dhego-weyne) oo ahaa wasiiru dawlihii wasaaradda biyaha waxaa isna loo magacaabay wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Golahan uu   ku dhawaaqay Madaxweyne Biixi, waxay u badan yihiin     wejiyo cusub, waxaa ku jira saddex haween ah oo laba ka mid ahi ay wasiirro yihiin iyo hal wasiir ku-xigeen.

Siyaasiyiinta waaweyn ee  dawladda cusub soo galay, waxaa ka mid ah  Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha oo loo magacaabay Maxamed Kaahin Axmed oo ay rafiiq siyaasadeed iyo saaxiib isku dhow yihiin Madaxweynaha cusub, kaasi oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii kowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE. sidoo kale waxa uu wasiirka xannaanada xoolaha loo dhiibay Afhayeenkii xisbiga KULMIYE, Xasan Gaafaadhi iyo siyaasiga Axmed Muumin Seed oo noqday Wasiirka Beeraha Somaliland. Xukuumaddan waxaan ku jirin wasiirradii lama taabtaanka ahaan jiray oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii Hawlaha Guud, Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), Wasiirkii macdanta iyo tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Sidoo kale waxa liiskan laga dhex waayay siyaasiyiin waaweyn oo la filayay inay ka dhex muuqan doonaan golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweynaha cusub ee Somaliland.  Golahan wasiirrada   ayaa aad uga yar kuwii hore u soo maray Somaliland, marka loo eego xukuumadda uu xilka kala wareegay ooiyagu tiradoodu dhamayd 79 xubnood. [27 wasaaradood oo 25 kamid ay wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiru-dawle lahaayeen].

Magacabaaista hormada 1aad ee xukuumadda cusubi waxa liiskoodu u taxan yahay sidan:

  1. Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha Dibada [Dib loo magacaabay]
  2. Maxamed kaahin Ahmed wasiirka Arimaha Gudaha [Guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee KULMIYE]
  3. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska [Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha]
  4. Dr Hasan Ismaaciil Yuusuf, wasiirka wasaarada Horumarinta Caafimadka [Wasiir Cusub wallow uu hore wasaaraddan wasiir uga soo noqday cahdigii xukuumaddii Madaxweyne Cigaal]
  5. Cawaale Ibrahim Shirwac wasiirka wasaarada qorshaynta [Wasiir Cusub]

6.Ciise Axmed Yuusuf – Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga [Wasiir Cusub]

  1. Yuusuf Maxamed Raage- Wasiirka Maalliyada [Wasiir Cusub]
  2. Cabdiqani Caateeye Fariid – wasiirka Caddaallada [Wasiir Cusub, waxaanu ka tirsanaa saraakiisha sare ee Dahabshiil]
  3. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed – Wasiirka Diinta iyo awqaafta [Dib baa loo magacaabay]

10.Ahmed Muumin Seed – Wasiirka Beeraha [Wuu Cusub yahay]

11.Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi – Wasiirka hawlaha Wasiirka wasaaradda hawlaha guud [Wuu Cusub yahay wallow uu hore wasiir ku xigeen uga soo noqday isla wasaaraddan xilligii madaxweyne Rayaal]

  1. Yuusuf Mire Maxamed (Boos]- wasiirka Ciyaaraha [Waxaa uu xilal wasiirnimo hore uga soo qabtay xukuumaddii Siilaanyo, waxaana bishii inna dhaaftay ee ololaha doorashada madaxtooyadu socday dib loogu magacaabay in uu noqdo badhasaabka Maroodi-jeex}.
  2. Cabdiweli Xaaji Cabdillaahi Suufi Jibriil – Wasiirka Boosaha iyo Technologyada [Wuu cusub yahay] waxanu ka tirsanaa saraakiisha sare ee Somaliland Premier Bank.]
  3. Maxamuud Xasan Sacad wasiirka Ganacsiga, warshada iyo dalxiiska [Wuu cusub yahay]
  4. Hinda jaamac Xirsi wasiirka shaqo galinta iyo arimaha bulshada [Waa Cusub tahay]
  5. Maxamed Ahmed maxamuud Cawad wasiirka Horumarinta Maalgashiga [Wuu cusub yahay, waxaana uu ahaa agaasimihii cashuuraha berriga ee wasaaradda maalliyada]
  6. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi wasiirka xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga [Wuu cusub yahay waana afhayeenkii xisbiga KULMIYE]
  7. Cabdiraxman Cabdilaahi faarax Guri barwaaqo wasiirka warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka [wuu cusub yahay]

19.Shukri Xaaji ismaciil baandare wasiirka deeganka iyo Horumarinta reer miyiga [dib baa loo magacaabay]

  1. Saleeban Yuusuf Cali Koorre wasiirka horumarinta biyaha [Wuu cusub yahay, waxaanu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland]

21.Jaamac Maxamuud Cigaal wasiirka macdanta iyo tamarta [Wuu cusub yahay, waxaanu ahaa maareeyihii guud ee shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL]

  1. Abdilahi Abokor Cismaan Wasiirka gaadiidka iyo horumarinata jidadka, [wuu cusub yahay wallow uu xukuumaddii Siilaanyo wasiir ku xigeen kasoo noqday]
  2. Maxamed Xaaji Aadan cilmi Wasiirka Xidhiidhka goloyaasha iyo Arimaha dastuurka [Wasiiru dawl ka tirsanaa xukuumaddii hore].

Magacayada Wasiir-ku-xigeennada

  1. Liibaan Yuusuf Cismaan- wasiir ku xigeenka arrimaha dibada
  2. Maxamed Muuse Diiriye wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha
  3. Maxamed Muuse Abees- wasiir ku xigeenka warfaafinta
  4. Yurub Abiib Cabdi- wasiir kux igeenka xanaannada xoolaha
  5. Maxamed Daahir Axmed wasiir ku xigeenka Maalliyada
  6. Xuseen Ibraahim Buuni- wasiir ku xigeenka qorsheynta
  7. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxumed Dhagoweyne wasiir ku xigeenka waxbarashada
  8. Cabdinaasir Cumar Jaamac (Kadib) wasiir ku xigeenka caafimaadka
  9. Sahal Maxamed Jaamac wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...