Somaliland: Maqnaanshaha Xisbiga WADDANI waxay cadaysay in aan doorashadii lagu kala samrin.. Siyaasi Muniir

Date:

Dawladihii Jaarka Inala Ahaa Ee Jabuuti Ku Jirtay Saaka Madaxweyne Ku-xigeen Kililka Shanaad Ee Itoobiya Ah Ayaa Inagala Joogay.
Maqnaanshaha Xisbiga WADDANI waxay cadaysay in aan doorashadii lagu kala samrin..
“Uma tanaasulin KULMIYE umana tanaasulin Muuse Biixi lakiin Somaliland ayaan u tanaasulay”. Murashax Cirro .
Somaliland waxa soo maray 4-Madaxweyne oo ka horeeyay Madaxweyanaha hadda la caleemo saaray ee Muuse Biixi Cabdi . Waxaynu haddaba is waydiinaynaa maxay kaga duwanayd caleemo saarka Muuse Biiixi Madaxdii ka horaysay? Maxayse ku yeelan doonta ka maqnaanshaha Murashaxii la tartamayaay iyo Xisbiga ugu weyn mucaaridku uu ka maqnaa madashii lagu boqrayay.?..
Marka hore afarta Madaxweyne ee Somaliland soo maray intii ay xorriyadeeda dib u hanatay 18-my 1991-Kii . Waxay u dhaceen muddo xiloodkoodu.
1- Cabdiraxmaan Axmed Cali (1991-1993)
2- Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal (1993-2002.
3 -Daahir Rayaale Kaahin (2002-2010)
4- Axmed Maxamed Siilaanyo (2010-2017)
Dhammaantood duruufo kala duwan ayay xilalka kula wareegen, midbana door ayuu laha . Doorashadii dhacday 13 November 2017 waxay ahayd tii ugu horaysay ee Somaliland amma shir beeleed wax ku doorato amma sanduuq haku doorate dibadda laga soo faro galiyay maamul ahaan Iyo dhaale ahaanba. Arrinahaas farogalinta shisheeye Muqdisho intay ugu so kayso ayaa lagu sheegi jiray . Somaliland saaka xaflad ayaa ka dhacday sidii ololahii doorashada loo soo farogaliyay munasibadii xilwareejinta looma soo camirin. Dawladaha jaarka waxa ugu sareeyay Madaxweyne Ku-xigeen kamid ah Madaxweyne Ku-xigeenada dhawrka ah ee kililka shanaad ee Itoobiya.
Jabuuti oo sidaan hore u sheegay Ololahii doorashada Madaxtooyada Dalkaasi faro galin dhaqaale iyo mid dawladeedba ka gaysatay xafladii xilwareejinta wajigooda dhabta ah ayay mujiyeen oo ah “madaxa isu galiya Somaliland lakiin Qaranimo haw qirina”.
Murashaxii Xisbi WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbi WADDANI oo ah ka ugu weyn Mucaaridka Somaliland, kamaqnaan shahooda munaasibadii xilwareejinta waxay sawir wacan ka bixisay in aan lagu kala bogsan Doorashadii madmadawga badbayd ee Dalka ka dhacday. WADDANI Somaliland ayuu u tanaasulay ee KULMIYE uma tanaasulin siduu murashax Cirro sheegay taasina maanta way cadaatay.
Geetsa kale majirin afarta Madaxweyne ee Muuse Biixi ka horeeyay mid doorashadiisa ay Dalal shisheeye door ku yeesheen, taas oo qaybta ugu weyn ka ah in aan lagu kala bogsan doorashadii Dalka ka dhacday..
Aynu eego What is next.???
Tusan ..

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...