Somaliland: “Heshiiska Madaxweynaha Iyo Khaatumo Heshiis Maaha, Waa Soo Jeedin”

Date:

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa heshiiska ay wada gaadheen xukuumada Somaliland iyo Khaatumo ku tilmaamay mid aan rasmi ahayn oo u baahan in golayaasha qaranka la soo mariyo si ay u ansaxiyaan amma u diidaan.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada golaha guurtida ku canaantay in aanay go’aanka ay wada gaadheen labada dhinac aanay u dhigin inuu yahay heshiis rasmi ah, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Heshiiskan madaxweynaha iyo Khaatumo ee aad ku wada riiqateen arintaasi hadda waxay joogtaa madaxweynaha iyo Cali Khaliif; heshiis maaha, waa soo jeedin ha soo gudubto, waa inay labada goleba martaa  oo ay ansaxiyaan markaas ayay heshiis qaran noqonaysaa, ha ku riiqanina ee halasoo gudbiyo oo nidaamkeeda ha soo qaadato markaas ayaynu waxii laynooga baahan yahay ka qabanaynaa.”

Xukuumada wakhtigeedu uu sii dhamaanayo ee madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexatay hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh kaas oo aan wali la horgayn labada gole.

https://youtu.be/XgfOyj3Gmig

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...