Sharciga mamnuucidda niqaabka ee Quebec oo la hakiyey

Date:

Qaaddi Canada jooga ayaa Jimcihii joojiyey qayb ka mid ah sharci ka jira gobolka Quebec oo dumarka ka mamnuucaya inay wajiga oo dhan daboolaan marka ay bixinayaan ama helayaan adeeg bulsho, arrintaasoo guul siisay qolyaha u dhaqdhaqaaqa xorriyadda aasaasiga ah, kuwaasoo ku doodaya in sharcigu yahay mid aan dastuurka waafaqsanayn oo ka dhan ah dumarka muslimka ah.

Xaakim Babak Barin ayaa joojiyey qayb ka mid ah sharci mamnuucaya in wajiga la daboolo ilaa iyo inta ay dawladda ka meel marinayso qorshayaal la xiriira sida sharciga loo dhaqan galinayo iyo sida dadka qaar looga reebayo.

Xukuumadda gobolkaas oo badankiis looga hadlo luqadda Faransiiska ayaa iminka haysata fursad ay ku caddayso sida sharcigaas looga dhigayo mid shaqaynaya.

Sharciga waxaa la ansixiyey bishii Oktoobar, wuxuuna saamaynayaa qof kasta, min macallin ilaa arday ilaa shaqaale isbitaal, sarkaal boolis iyo darawal bas.

Inkastoo uusan sharcigu diin gaar ah magaceeda tilmaamin, misna dooddu waxay ku aaddanayd niqaabka oo ah indho shareerka ay dumarka muslimka ah ee laga tirada badan yahay wejiga oo dhan ku daboolaan.

 

Xukuumadda Liberalka ah ee Quebec ayaa sharciga ka difaacaysa maxkamadda, ayadoo sheegaysa in uusan gooni u faquuqayn dumarka muslimiinta ah, uuna muhiim u yahay arrimaha nabadgelyada, aqoonsiga qofka, iyo wada xiriirka.

Maahi qof ku qanci waayey xukunka sababtoo ah ma jirto meel lagu sheegay in sharcigu ka hor imaanayo xeerarka (kuwa xuquuqaha)” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Quebec Philippe Couillard oo saxaafadda la hadlayey, sida ay soo xigatay CBC.

Golaha muslimiinta Canada ayaa xukunka soo dhoweeyey, kuna tilmaamay “tallaabadii ugu horraysay ee guul leh” sida uu sheegay agaasimahooda Ihsaan Gardee.

Magaalo ku taalla Canada oo u diiday Muslimiinta inay qubuuro sameystaan

Qolyaha sharcigan ka horjeeda waxay sheegayaan inuu si muuqata u bartilmaameedsanayo dad laga tiro badan yahay oo khatar iyo dhibaato soo maray. Quebec waxaa ku nool markii ugu dambaysay ee tirokoob la sameeyey 2011-kii, 243,000 qof oo muslimiin ah, kuwaasoo ka tirsan 8 malyan oo qof dad gaaraya.

Bishii Janaayo ayaa nin dabley ah wuxuu galay masjid ku yaalla magaalada Quebec, wuxuuna toogasho ku dilay lix qof. Arday Faransiis ah oo Canada u dhashay ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa qofka qura ee kaligii looga shakisan yahay falkaas.

Dalalka Faransiiska, Belgium, Netherlands, Bulgaria iyo gobolka Bavaria ee Jarmalka ayaa xayiraadyo ku soo rogay in wajiga oo dhan la daboolo marka la joogo goobaha bulshada ka dhaxeeya.

Denmark ayaa Iyana qorshaynaysa inay xannibaad soo rogto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...