Hoggaamiyihii jabhadda Janjaweed oo lagu xiray Sudan

Date:

Mas’uuliyiinta dalka Sudan ayaa xabsiga u taxaabay madaxii jabhadda Janjaweed kaas oo lagu tuhunsanyahay in uu gobolka Dafuur ka geystay falal lid ku ah xuquuqda bini’aadamka.

Muusa Hilaal ayaa lasoo xiray kadib markii uu la dagaalamay ciidammada Suudaan meel u dhow gurigiisa oo ku yaala waqooyiga Daafuur.

Waxa uu horay xulufo ula ahaa madaxweyne Cumar Al Bashiir, isaga oo hormuud ka ahaa jabhadda dowladda taabacsan ee Janjaweed.

Qaramada Midoobay ayaa horey cunaqabatayn u saartay Muuse Hilaal sababo la xiriira tuhun laga qabtay in uu gaboodfalo ka geystay Daafuur.

Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Xabiib ayaa sidoo kale lagu xiray isku dhaca ka dhacay Waqooyiga Daafuur sida uu sheegay wasiirka difaaca Suudaan Jeneraal Cali Maxamed Saalim.

“Waxaa lasoo xiray markii isku dhacyo ay halkaas ka dhaceen, xaaladda ammaanka ee meeshaas waa ay degentahay, dhawaana Khartuum ayaa la keeni doonaa” ayuu yiri wasiirka.

Muuse Hilaal ayaa loo magacaabay la taliyaga madaxweyne Al Bashiir sanadkii 2008-dii , balse markii dambe ayay isku dhaceen labada nin.

Ciidammadiisa ayaa si joogto ah ay isku dhacyo u dhexmari jireen kuwa dowladda.

Isku dhacan ugu dambeeyay ayaa dhacay kadib markii ciidanka dowladda weerar gaadmo ah lagu qaaday xili ay ku guda jireen hawl hub ka dhigis ah oo qeyb ka ahaa heshiis nabadeed.

Militariga Suudaan ayaa sheegay in ay ka dhinteen illaa 10 askari.

Muuse Hilaal ayaa diiday in uu hubka dhigo, wuxuuna sidoo kale diiday in uu galo wax wadahadalo waanwaan ah.

Xasarada Daafuur ayaa bilaabatay sanadkii 2003-dii markii jabhad dadka madoow ah ay halkaas ka kacday , iyaga oo dowladda ku eedeeyay in ay daryeeleyso dadka carabta oo kaliya.

Taas waxaa jawaab looga dhigay in la abaabulo jabhadda Janjaweed oo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka tahay gabood falo badan.

Maxkamadda adduunka ayaa waaran xarig u jartay madaxweyne Al Bashiir isaga oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal sanadkii 2010-kii.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...