“ 240 sanduuq oo hore loo tiriyey ayey WADDANI yidhaahdeen ha lanoogu celiyo , iyadoo lagala tashan ayuu Komishanku ogolaaday oo dib loogu tiriyey, illaa hadda sanduuq khalad laga helay ma jiro, laba cisho ayey dib u dhacday in natiijadii la soo saaro, waxa la arkayaa in halkaasi uu jeleec weyn ka muujiyeen Komishanka doorashooyinku” Sidaas waxa yidhi Faysal Cali Waraabe
Waxaanu intaas ku daray “ waxay ahayd markii Buuga laga xaday in kii soo qaaday iyo kii usoo dhiibay soo qabtaan, wadan aanu sharci shaqaynayn oo xeer jajab lagu soconayaa wadan noqon maayo, waxaanu leenahay natiijadii way soo dhowdahay kursiga qof baa fadhiisan laha ee dadka rabshada ha laga daayo, dadkan aanu 21 cisho ololaha ku wadnay rabshad kale uma baahna”
Guddomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Manta Warbaahinta Lahadlay Wuxuna Kawamay Doorashadii Kadhacday Somaliland 13-Ka Bishan Novembar Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Ka Sheekeeyay Marxaladii Doorashadan Somaliland Soo Martay Waxanu Ka Warbixiyay Sidii Quruxda Badnayd Ee Doorashadu Udhacday Waxanu Sheegany Inay Doorashadani Indhaha Calamka Inoo Soo Jiiday
Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa kahadlay Qabkii Warbaahinta Caalamku Uga Hadashay Doorashadii Somaliland Dhawaan Ka dhacday Waxanu Xusay In Simcadii Somaliland Doorashadani Kor u Qaaday
Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Sidoo Kale Kahadlay Dhibaatada Qabiilku Leyahay Waxanu Xusay In Labada Xisbi Ee Kale kulmiye Iyo Waddani Isticmaaleen Qabyalad Aad Fool xun
Eg Faysal Cali Waraabe Waxa Sidoo Kale Dhaliilay Komishanka Doorashooyinka Somaliland Isagoo Tilmaayay Inuu Komishan Go’aan Ka Gaadhi Kari Wayay Cidii Guuleysatay
Faysal Cali Waraabe Waxa Sidoo Kale Sheegay Inuu Xisbiga Waddani Masuuliyiin Katirsan Sharciga la Horkeeno Sababta Oo Ah Buu Yidhi Waxay Masuul Kayihiin Rabshadii Kadhacay Dalka
Faysal Cali Waraabe Oo Hadalkiisa Sii Wata Waxa Uu Sheegay In Komishanku Laba Cisho dib Ugu Dhigay Natiijada Doorasashada Somaliland Isagoo Eedana Dhakada Kasaray Guddomiye Cabdiraxman Cirro Faysal cali waraaabe wxuu sheegay in Dib Loogu Noqday 246 Sanduuq Oo Hore Loo Tiriyay Wuxuna Xusay In Wax Khalada Laga Wayay