Somalia: Baarlamaanka Dawladda aan iskeed isku Maamulin oo isku raacay in ay sharci darro aheyd go’aankii xukuumadda ee Qalbi -Dhagax

Date:

Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen xarunta gollaha shacabka xildhibaannada baarlamanka oo warbixin ka dhageystay guddigii loo saaray Kiiska dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii ay xukuumadda ka qaadatay arrintan.

Guddoomiyaha Guddiga baaritaanka Kiiska Xildhibaan Cali Xoosh ayaa warbixin dheer ka hor akhriyay Xildhibaanada, isagoo xusay in heshiisyadii ay cuskatay Xukuumadda ee dowladdii hore gashay aanu aheyn heshiis isku celin maxaabiis.

Xoosh waxaa uu sheegay in heshiisyadaas ahaa mid iskaashi oo lagu xalinayay xaalado amni oo ka jira xuduuda, gaar ahaan ay wada galeen dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Itoobiya.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in arrinta Kiiskan aan Madaxda dowladda laga siin macluumaad sax ah, taasoo u muuqata in Mas’uuliyadda dhiibistii Qalbi Dhagax in dusha laga saarayay Taliskii hore ee Nabadsugida.

Xildhibaanada ayaa warbixinta kaddib dood ka yeeshay, waxaana jiray Xildhibaano ka hadlay qaabkii lagu dhiibay Qalbi Dhagax in ay aheyd mid qalad, islamarkaana Madaxda warbixinta la siiyay ay aheyd mid qaldan.

Cod la galiyay doodda kaddib go’aanka xukuumada 152 Xildhibaan ayaa ogolaatay in uu sharci darro ahaa go’aankii xukuumadda, halka 6 ay diiday waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Akhriso Bayaanka guddiga :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...