Somaliland: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qaybgalay 28-Guurada Munaasibadda Qaran Ee 18-ka May

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo caasimadda Hargeysa loogu sameeyey 28-guurada kasoo wareegtay maalinta qaran ee 18ka May oo ku beegan markii ay Somaliland xornimadeedii dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay, islamarkaana lagu qabtay barxad cusub oo laga bineeyey wajahadda hore ee xarunta wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, guddoomiyaha maxkamadda Sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanksa saddexda xisbi-qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, xildhibaanno ka socda dalalka Yugaandha, Kiiniya iyo Yugaandha, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirro ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, marti-sharaf ka kala yimi dalalka Ethiopia, UK, Denmark, Ururka Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN), taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, siyaasiyiin, aqoonyahan, haldoor ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti-sharaf kale, waxana madasha socod ku maray qaybaha kala duwan ee ururrada Bulshada rayidka ah.

Boqollaal kamid ah qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dawladda, ayaa madasha koox koox usoo maray iyaga oo ku lebbisay astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo shirkadaha waddanida ah ee dalka ka jira o
o goobta soo maray ay soo bandhigeen farxashanno iyo xirfado kala duwan oo soo jiitay madaxdii iyo masuuliyiintii madasha ku sugnaa.

Arday ka socota dugsiyada iyo jaamacadaha kala duwan ee dalka oo iyaguna goobta maray, ayaa indhaha masuuliyiintii goobta fadhiyey iyo dadweynihiiba soo jiitay, kuwaas oo ay ka muuqatay aqoonta ay dalkooda ku barteen.

Dufcad kamid ah dhallinyarada shaqo qaran oo wiilal iyo gabdho isugu jira oo muddo carbis iyo waxbarasho u xaraysnayd, ayaa iyaguna goobta kusoo bandhigay khibraddooda ciidannimo ee ay barteen muddadii ay xaraysnaayeen, waxana ay masuuliyiintu si weyn ula dhaceen xirfadda ciidannimo ee ay dhallinyaradaasi barteen.

Cutubyo kamid ah ciidamada kala duwan ee Asluubta, Booliska, Militeriga, Badda, Laanta Socdaalka iyo Dab-damiska, ayaa iyaguna gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar xiiso badan ku maray fagaaraha lagu xusayo munaasibadda 18-Ka May, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay gaadiid cusub iyo hub casri ah oo ay ciidamani leeyihiin, kuwaas oo guud ahaanba shacabkii gaardiska daawanayey si weyn u farxad geliyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa gebogebadii munaasibadda ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo badan taabanaysa, waxana ku dheeraaday guulihii kala duwanaa ee ay ku tallaabsatay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, isaga oo muujiyey sida ay madaxweyne ahaan uga go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo Deegaanku.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale sharraxay sida ay xukuumad ahaan ugu dedaaleen dejinta isteraatiijiyado qaranku ku horumari karo iyo siyaasado la jaanqaadi kara is-beddelada ka hana qaaday Geeska iyo kuwa caalamkaba.

Wa-bilaahi tawfiiq

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...