Somaliland: Maalmaha Hawada Laga Saarayo Baraha Bulshada oo la Shaaciyay

Date:

Guddida Doorashooyinka  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyay in uu dhammaaday ololahi doorashada madaxtinimada ee Somaliland, kaas oo soo socday 21- maalmood, waxaanay xisbiyada uga digeen in ay shaaricyada la yimaadaan  astaamahooda.

Waxa kaloo Guddidu   ay sheegtay in hawada laga saari doono baraha bulshadu ku xidhiidho, sida (Facebook, Twitter, Viber, WhatsApp) iyo kuwa kale ee la midka ah, maalinta doorashada ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada codbixiyayaasha Doorshada.

“Waxaannu go’aan ku gaadhnay oo amar  ku siiney shirkadaha isgaadhsiinta in la xidho saxaafadda bulshada  (Social Media), waana hakin ee gabiahaanba lama xidhayo, guddida doorashooyinka qaranka Somaliland haddii aanu nahay go’aankaasi waanu qaadanay, waananu ku amarnay shirkadaha inay go’aankaasi fuliyaan, waanay nala qaateen, waxaannu isla garaney shirkadaha isgaadhsiinta in maalinta doorashada, marka ay dhammaato codeyntu in la xidhi lixda makhribnimo, baraha bulshada,”ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka doorashooyinka, Siciid Cali Muuse oo ka hadlay shirjaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda shalay.

Guddoomiyaha guddida doorashada Somaliland , Md.Cabdilqaadir Iimaan Warsame, ayaa ku dhawaaqay  in uu  soo dhammaaday ololahii doorashada madaxtooyadu, waxaannu yidhi;  “Maanta (Shalay)  oo ay bishu tahay 10/11/201 waxaa lixdii cawaysnimo xidhmay  ololihii doorashada. ololahaasi oo inoo bilaabmay 21-kii bishii hore, sidaas ayuu  innoogu dhammaaday.”

“Waxaannu xisbiyada faraynaa kuna amraynaa lixda galabnimo laga bilaabo inaan loo ogolaanayn inuu xisbina bannaan-bax sameeyo inuu xisbina isaga oo taageeyaashiisa wata dibadda u soo baxo, xisbina looma ogola in waxyaabihii astaamaha u ahaa xiligii ololaha uu la soo baxo, ciidammada qarankuna waxaannu halkan uga sheegaynaa in xisbiga ku kaca ay gacan bir ah ku qabtaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida doorashooyinku.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...