Somaliland: “Dalkeenu Wuxuu Ku Yaallaa Gobol, Ay Colaadaha Iyo Xasaraduhu Ku Badan Yihiin, Sidaa Darteed Waxa Lagama-maarmaan ah…….”

Date:

Madaxweyne Siilaanyo oo Khudbad ka jeediyey 24-guurada Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland oo Shalay la Xusay

“Waxaan Dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland Farayaa, In Ay Heegan Buuxa Galaan, Isla Markaana U Diyaar Garoobaan Hawlaha Doorashada Madaxtooyada”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Qayb-galay Sannad-guurada 24-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Somaliland oo Jimcihii dorraad ku beegnayd, balse shalay sabtidii la Xusay, waxaanu halkaas ka jeediyey Khudbad uu kaga hadlay dhismihii Ciidanka iyo doorkooda Qarannimada.  aSidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, taas oo   u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta [shalay] ka qaybgalay sanad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Booliska Somaliland, isagoo madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme dabaqa oo markii u horaysay ay yeesheen ciidanka booliska Somaliland, kaasi oo noqon doona xarunta guud ee looga arrimiyo ciidama booliska. sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay dhismahaasi iyo gaadiid tiro badan oo aad u qalabaysan oo ay ciidamadu yeesheen markii u horaysay 24 kaa sanno, munaasibadaasi oo ahayd mid qiimo gaara u leh qaranka iyo madaxweynahaba, waxa khudbado ka jeediyey hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Gashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Geney) oo isagu ka hadlay kiisaskii sanadkan 2017, isbarbar dhigna ku sameeyey 2016-2017, taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay waxqabadka u soo kordhay booliska intii uu gacanta ku hayey, Wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay arrimaha nabadgelyada iyo dedaalada ciidanka booliska. Waxaana munaasibadaasi soo xidhay oo khudbad ka jeediyey madashaasi madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi”Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taliye Ku-xigeenka, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidan weynaha Booliska, Xubnaha Xukuumadda iyo Marti Sharafta kale, Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu. Mudanayaal iyo Marwooyin, Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta [shalay] ka soo qayb galo, munaasibadda Xuska Sannad Guurada 24aad, ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madashan qiimaha badan, waxaan jecelahay, in aan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan hawada u mariyo, dhammaan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan uga mahad-celinayaa Ciidanka Booliska iyo dhammaan Ciidammada kale ee Qaranka, sida hagar la’aanta ah ee ay u guteen waajibaadkooda shaqo, muddadii toddobada sanno ahayd, ee aan dalka hoggaaminayey. Mudanayaal iyo Marwooyin, Dalkeenu wuxuu ku yaallaa Gobol, ay colaadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aynu sii xoojinno amniga iyo xasiloonida Qarankeena. Waxa Eebe mahaddii ah, in Nabadda iyo Degenaanshaha, uu dalkeenu maanta ku naaloonayo, ay tahay mid ku timid dedaalka iyo kartida Xukuumadda Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in maanta aynu hirgelinay nidaam wacan, oo lagu sii dhisi karo, laguna sii horumarin karo Tayada, Xirfadda iyo Aqoonta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa xusid mudan, bilicda iyo quruxda derajooyinka garbihiinna ka muuqdaa, in ay ka mid-yihiin dedaallada iyo wax-qabadka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay hir-gelisay. Derajooyinkaasi, waxay kaalin weyn ka qaateen maamuuska, habyadda iyo kala dembaynta ciidammada dalka. Dhinaca kale, waxaan kula dardaarmi doonaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, in uu halkaa ka sii wado daryeelka, horumarinta iyo tayeynta Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.  Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaynu ku jirnaa gebagabadii, iyo maalmihii ugu dambeeyey, ee Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, taasoo talada dalka haysay laga soo bilaabo 27-kii, bishii 7-aad, sannadkii 2010-kii. Dhinaca kale, haddii RABBI idmo, waxa foodda inagu soo haysa Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo qabsoomi doonta 13-ka, bisha 11-aad, ee sannadkan 2017-ka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ku amaanaya doorka weyn ee ay ka qaateen hab-sami u socodka iyo u diyaar-garowga hawlaha Doorashada Madaxtooyada. Sidoo kale, waxaan ku kal-soonahay, in aad xil mug leh iska saari doontaan amniga qaranka, gaar ahaan xuduudaha dalka iyo goobaha doorashooyinka. Waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, in ay is-garab taagaan, isla markaana gacan siiyaan, geesiyaasha  Ciidammada Qaranka, ee habeen iyo maalin heeganka u ah, sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga falalka lagu dhaawacayo xasiloonida dalka. Ugu dambayn, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland farayaa, in ay heegan buuxa galaan, isla markaana u diyaar garoobaan hawlaha Doorashada Madaxtooyada. Wa Billaahi Tawfiiq….” sidaa ayaa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee Khudbadda Madaxweynaha xambaarsanaa ee ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...