“Waxaynu U Foodaynaa Waa Xisbigaa Mujaahidku Mujaahidka Ka Dhaxlaayo” Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)
Waftigii Kaanbaynka Ololaha Xisbul Xaakimka Kulmiye ee uu Hogaaminayey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa gaadhay Deenada Saraar, Buuhoodle iyo Togdheer, waxaana uu Xildhibaanka iyo waftigiisu socdaalo ku tageen Deegaanada Wadaama Go’oo, Muraayada, Kaarta-habreed, Qorilugud, Coodanle, Balidhiig, Dhoqoshay iyo Cagararan.
Waftiga uu hogaaminayo Xildhibaanku waxay dhammaan deegaanadaasi loogu soo dhaweeyey si heer sare ah, waxaana ay ka qeyb galeen munaasibado loogu dabaal degaayey islamarkaana ay dadka deegaanku kusoo bandhigayeen Cududa Taageero ee ay u hayaan Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena waxay xog waraysi la sheegeen bulshada.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo isaguna hadlayey dadweynaha reer Qorilugud kala hadlay fagaare, waxaana uu kula dardaarmay inay ilaashadaan kaadhadhka codbixinta “ aad iyo aad baan ugu faraxansanahay sida yar ee aad markiiba noogu soo ururteen, waxaan idiin sheegaynaa doorashadii Sagaal cishaa ka hadhay reer Qorilugud waa Kulmiye, waxaan u foodaynaa waa Xisbiga aynu inta badan ku jirnay waa xisbigaa waxa badan qabtay, waxaynu u foodaynaa waa xisbigaa Mujaahid Mujaahid ka dhaxlaayo, waxaan idinku boorinayaa maalinta Codka ha hambaamina maalinta codka ku rida halka lagu ridaayo waa in sidii Siilaanyo Daahir Riyaale kaga guulaystay faraqa noocaasi Xisbiyada mucaaridka inoo dhaxeeyo waxaan waxaa ahayn cidi inaga siisan mayso hadaynu reer qorilugud nahay”
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama Oo la hadlay dadka Reer Coodanle ayaa sheegay inay inay ka mid yihiin deegaanada ugu Abaabulka fiican “Bari iyo Galbeedba waanu marnay Coodanle waxaad ku jirtaan meelaha kuk jirtaan meelaha ugu Ololaha badan waxaad ku jirtaan meelaha kartida iyo hufnaantu ka muuqato aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, Gudidan aanu wada socono waxaa la yidhaahdaa Bari iyo Balbeed fariinta aanu idin faraynaa waxaa weeye waa fariinta Xisbiga Kulmiye oo dhammi idin farayaan waa fariinta Somaliland oo oo dhami is farayso waa fariinta dadka iyo dalka cidii dan ka leh ina farayso oo ah inaynu doorano Mujaahidka Muuse Biixi Cabdi”
Maxamed Cali Xirsi Obama oo la hadlayey dadweynaha reer Balidhiig ayaa sheegay in Degmada bali dhiig bugdhig u tahay Xisbiga Kulmiye “ Reer Balidhiig waxay doonayaan baa Somaliland oo dhami u foodaysaa waa Ictiraaf aynu doono, waa Ciidamada oo aynu adkaysano waa Somaliland iyo Soomaaliya oo laba kala noqda, waxaan doonaynaa in Laamigaa Burco ka imanaya ee laydiin balan qaaday ee Balidhiig imanaya in la dhiso Insha allaah Tacaalla shan sano gudahood, Idin kumaan iman inaan idin idhaahdo Xisbigan u fooda waxaynu nahay Xisbigan cidii Aasaastay haddaynu nahay Dadka Deegaankan, waxaad tihiin Xisbigan Habaryarihii iyo Abtiyaashii saw maaha? Laynoogama fadhiyo Xisbiga aynu abtiga u nahay iyo Xisbiga aynu Habaryarka u nahay iyo Xisbiga aynu Ayeeyada u nahay in Food laynaga waydiiyo, Xisbigaa waynu u foodaynaa waxaynu u foodaynaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay wax wada wadaagaan Muhaajid Axmed Siilaanyo, halgan bay wada wadaagaan, Dalkay usoo dagaalameen bay wadaagaan, dalkoo ay xoreeyeen bay Wadaagaan, Maanta Somaliland may jirteen hadaan Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Dhega Weyne, Axmed Siilaanyo iyo Mujaahidiin badan oo Ina Mire ku jiro oo ay ka mid yihiin qaar badan oo maanta Balidhiig jooga oo aan cidi aqoon hadaanay Dalkan xoreeyeen muu xoroobeen Maaanta Somaliland ta aan ku faanayno may jirteen”
Xildhibaanka iyo waftigiisa oo lagu soo dhaweeyey Degmada Dhoqoshay ayaa khudbad u jeedahay dadweynaha degmadaasi waxaana uu yidhi “Mujaahid Somaliland iyo Soomaaliya laba ka kaladhigayaa ee aynu wakhtigan haynaa waa Muuse Biixi Cabdi, waxaynu doonaynaa inaynu Xisbiyada mucaaridka ah ee inaga soo horjeeda isku dhaafno Boqol kun oo cod Maadaama aad aniga halkan iga doorateen maadama aan ahay Xildhibaanada Gobolkan laga doortay inaad igu caawisaan oo aan isku caawino inaynu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ragga intaa dheeraysiino adhiga iyo geela waa inaynu kala ilaalina , Annigu waxaan ahay ninkii Degmada soo saaray Degmada Dhoqoshay Xildhibaankii ka shaqeeyey baan ahaa, waxaan ahay ninkii Hindisay Iskuulkaa 4-sanno idiin jiray ee aad wada jeceshihiin, maadaama intaa aynu helnay oo maanta inoo Suurtowday waxaa suurto gal inoo noqon doonta hadaanu doorano Xisbigaa Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi Wadda Iman Doonta Iskuulaa Iman Doona Jaamacadaa Iman Doona Degmadoo balaadhata iman doonata”
Ugu Danbayntiina waxa uu Xildhibaanku Xadhiga ka jaray Xafiisyo badan oo Xisbiga Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye iskood u qalabaysteen, kuwaasi oo sheegay inay taageero buuxda u hayaan Xisbiga iyo Xildhibaanka.