Shacabka Reer Laascaanood oo Isu Soo Baxyo Ciiddu Dhaqaaqday Kaga Qaybgalay Maalinta Shanaad ee Ololaha Xisbiga KULMIYE

Date:

Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa isu soo baxyo aan loo kala hadhin kaga qaybgalay maalinta shanaad ee oloha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.

Munaasibadda isu soo baxyada shacabka reer Laascaanood oo ay kala qaybgaleen xubno miisaanleh oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Baashe Maxamed Faarax,, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa saddexaad Md. Xuseen Aadan Caddi, wasiirro, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sool, haween, dhallinyaro, waayeel, madax-dhaqameed iyo xubno kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga, isla markaana lagu guubaabiyey inay codkooda la garab galaan maalinta codaynta.

Badhasaabka iyo maayarka gobolka Sool, ayaa ugu horrayn shacabka reer Laascaanood ku boorriyey inay sii libinlaabaan taageeradooda KULMIYE, iyaga oo ku dheeraaday horumarka ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hirgelisay gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland.
Wasiirrada wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo halkaas ka hadlay, ayaa shacaka ga mahadnaqay taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen, iyaga oo xisbigana ku ammaanay sida uu ugu hagar baxay gobolka Sool.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si mug iyo miisaanleh shacabka reer Sool ugaga mahadnaqay taageerada ay xisbiga u muujiyeen, waxana uu sheegay inay Sool safka hore kaga jirto deegaannada ku jira qorshe-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ee shanta sano ee soo socota.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...