Somaliland: Wacdaraha Isu Soo Baxyada Reer Berbera Ku Qaabileen Maalinta Afraad ee Ololaha KULMIYE

Date:

Taageerayaasha xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE ee magaalada Berbera, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay KULMIYE u hayaan ku qaabilay maalinta afraad ee ololaha xisbiga KULMIYE.
Isu soo baxyadan oo ahaa qaar indhaha soo jiitay, ayaa waxa taageerayaasha kala qaybgalay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaanno, siyaasiyiin, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Berbera iyo guddida ololaha ee gobolka Saaxil, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhoolla-tuska reer Berbera, isla markaana lagu guubaabiyey inay siii libin-laabaan taageeradooda.
Xubno bulshada dhexdeeda miisaan ku leh oo ay kamid yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cali Xoor-xoor wasiir Sacad Cali Shire, marwo Rooda Axmed Yaasiin, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obaama, guddoomiyaha guddida ololaha ee gobolka Saaxil Md.
Shacabka reer Saaxil, ayaa iyaga oo isu duuban muujiyey inay taageero laxaad leh u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana kumanaan katirsan shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo ku lebbisan astaanta xisbiga KULMIYE ay isugu soo baxeen fagaareyaasha kala duwan ee Berbera.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...